Suuriya oo soo riday diyaarad laga leeyahay dalka Mareykanka

by admin | Wednesday, Mar 18, 2015

Suuriya : HN :–Saraakiisha militariga Suuriya ayaa sheegay in ay soo rideen diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drone, taasoo uu leeyahay Mareykanka.

Diyaaradan ayaa lagu soo riday waqooyi galbeed Suuriya, gaar ahaan magaalada Latakia oo ay ku xoogan yihiin Ciidamada Bashar Al-Asad.

Dhinaca kale saraakiisha  Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in diyaarada Drone ay ku waayeen hawada Suuriya, iyagoo aanay Droneskala cadeyn in la soo riday iyo in kale.

Telefishinka dowladda Suuriya ayaa soo bandhigay muuqaalada diyaaradan aan duuliyaha laheyn ee ay soo rideen Ciidamada Suuriya.

Dowladda Suuriya oo dagaal kula jirta Xoogaga Daacish iyo Jabhado kale ayaan qeyb ka aheyn isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ee dagaalka kula jira Daacish.

Waa markii u horeysay ee ay Suuriya ay soo rido diyaarad uu leeyahay Mareykanka, tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!