Suxufiyiinta gobolka Hiiraan oo cambaareeyay xariga wariyayaash Universal TV

by admin | Sunday, Oct 4, 2015

Beledweyne : HN :–Kulan ay isugu yimaadeen ururka suxufiyiinta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay kaga hadlen xariga wariyaal katirsan Tv-Universal oo labadii bishan ciidamada nabad sugida soomaaliya ay ku xiren xabsi ku yaala magaalada Muqdisho.

Wariyaashii kulanka kasoo qeyb galay ayaa fikir kooda ku cabiray sida ay ugu xuWariyaasha-Gobolka-Hiiraan-5n yihiin xariga loo gestay Wariye Sare Cawil daahir salaad iyo Agaasimaha bariga iyo bartamaha afrika C/laahi xirsi kulmiye oo maalma ka hor lagu xiray xabsi ku yaala muqdisho.

Gudoomiyaha Dalada Saxaada Gobolka Hiiraan C.risaaq Max’ed C/llaahi oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa shehay in aad ugu xunyahay xariga wariyaasha iyo xaruntii Tv-ga uu ku lahaa magaalada muqdisho isago dowlada ugu baaqay in si deg deg ah loosii daayo.

Qaar kamid ah wariyaashii kulankii maanta ka hadlay ayaa si weyn u cambaareyay xariga wariye Cawil daahir salad iyo C/laahi xirsi oo ay ku tilmaamen xarigaasi mid sharci dara waxa ayna gesta kale ugu baaqen xukuumada soomaaliya gaar ahaan wasaarada warfaafinta in ay wax ka qabato xariga wariyaasha ka howlgala Tv-ga Universal.

ugu danbeyntii kulanka ay yeesheen suxufiyiinta gobolka Hiiraan ayeey ku cambaareyen Xariga lagula kacay wariyaasha Universal ayaa waxa uu qeyb ka noqonaya kulama ay yelanayen bahda saxaafada soomaaliya oo ay kaga soo horjeden xiriga Wariyaasha iyo Xaruntii Tv-ga Universal uu ku lahaa magaalada Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!