Switzarland oo baareysa shaqsigii ka danbeeyay qaraxii hotel SYL

by admin | Wednesday, Jan 28, 2015

Muqdisho : HN :– Dowladda Switzarland ayaa baaritaan adag ku sameyneysa shaqsigii fuliyay weerar ismiidamin ah oo lugu qaaday hotelka Hotel SYL ee magaalada Muqdisho,Sida lugu sheegay war ka soo baxay xukuumadda Switzerland.

Shaqsiga dhawaan isku qarxiyay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyay inuu ku noolaa dalka Switzerland, kadib war kasoo baxay hay’adaha ammaanka ee dalkaasi.

Afhayeen u hadlay hay’ada sirdoonka Switzerland ayaa sheegay in ruuxaasi oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya uu tagay dalkaasi20151226355751427009317742015-01-22T133614Z_921314108_GM1EB1M1NSQ1_RTRMADP_3_SOMALIA-BLAST-TURKEY sanadkii 2008, halkaasi oo uu ku noolaa muddo badan.

Afhayeenka ayaa sheegay in muddo badan ay baaritaano ku hayeen ruuxaasi isku qarxiyay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ku noolaa dalkaasi waxaana ay sheegeen inay arintaasi xaqiijinayaan.

Carolina Bohren oo ah afhayeenka u hadashay Switzerland ayaa sheegtay in ruuxaasi isku qarxiyay magaalada Muqdisho uu helay deganaansho dalkaasi ah laakiin uusan aheyn ruux helay dhalashada dalkaasi Switzerland.

Weerarka uu ruuxaasi ku dhintay ayaa dhacay maalin khamiis ah 22 kii bishaan, xili saraakiil Turki ah ay ku sugnaayeen hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, waxaana sheegtay Alshabaab.

Afhayeenka ayaanan faahfaahin rasmi ah ka bixinin ruuxaasi iyo qaabka uu kaga soo tagay dalkaasi Switzerland iyo magaca rasmiga ah ee loo yaqaanay shaqsiga isku qarxiyay magaalada Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!