Taageerayaasha Madoobe Nuunoow oo mudaaharaad ka dhigay magaalada Baydhabo

by admin | Tuesday, Oct 28, 2014

Baydhabo :HN:– Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in dibadbax ballaaran ay ka dhigeen gudaha magaalada taageerayaasha maamulka lixda gobol.

Dibadbaxayaasha oo ku dhawaaqay erayo ay ku taageerayaan maamulka lixda gobol ayaa waxaa ay isku soo urursadeen xarunta ADC ee magaalada Baydhabo halkaa oo hore u ahayd xaruntii Baarlamaanka.

Dadka banaanbaxayay ayaa la sheegay in dib loogu celiyay xarunta ADC iyadoo ciidamada booliska iyo kuwa militariga ay kabannbx-620x330 horistaageen inay ku soo fidaan magaalada halkaa oo ay ammaanka sugayeen ciidamada booliska iyo kuwa milatariga iyo sidoo kale ciidamada AMISOM.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka banaanbaxayay lagu kala eryay rasaas halka warar kalana ay sheegayaan in ay dadkaasi ay iyagana rasaas ugu jawaabeen ciidamada amniga.

Xaalada magaalada ayaa haatan degen iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnihii la socday ay ku sugan yihiin xarunta ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo afhayeenka baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan ayaa waxaa ay doonayaan in ay furaan kulan lagu dhisayo maamulka saddexda gobol ee koofurta Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!