Taariikhda Prof Jawaari oo kooban

by wadani | Wednesday, Jan 11, 2017

Muqdisho : HN :- Prof Max’ed Cismaan Jawaari ayaa doorasho adag oo maanta ka dhacday xarunta gollaha shacabka mar kale ku guuleystay in uu hogaamiyo baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya, isaga oo ka guuleystay saddex musharax oo xilka kula tartamay.

Prof Jawaari ayaa hellay 141 cod,  halka musharixiin ugu soo dhawaa xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig uu helay 97 cod.

Hadaba waa Kuma Prof Jawaari :

Taariikh Nololeed

Magaca: Muxammad Sheikh Cusmaan Aadam “Jawaari

Goobta iyo Taariikhda Dhalashada: Afgooye, Soomaaliya, Decembar 07, 1945.

TACLIIN IYO TABABARRO

  • Qalinjebin: Kulliyada Qaanuunka – Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed – Moqdisho, Somalia, 1982,
  • Shahaado Macallinnimo, Machadka Macallimiinta (Istatuto Magistrale/aggiornamento magistrale) , Mogadishu, Somalia, 1967.
  • Diploma in Islamic Law, Machad Daraasaad Islaami – Istituto Disciplina Islamica – Mogadishu, Somalia, 1964
  • Shahaado Macaallinimo af Ingiriisiga, UNESCO, Mogadishu, Somalia, 1962LUQADAHA
  • Waxaan ku hadlaa, qoraa akhriyaa afafka: Somaliga (oo Maay & Maxaatiriba leh), Carabiga, Ingiriisiga, Taliyaaniga iyo Norwejiga.

XILALKA IYO SHAQOOYINKA HEER CAALAMI IYO HEER QARAN

  • Senior Consultant Constitution Building: Somalia Constitution Making Support Project – UNPOS/UNDP – May 2008 – December 2011;
  • Guddoomiyaha Guddiga Khubarada (CoE) – Dib-u-eegista Qabyoqoraalka Dastuurka iyo Diyaarinta Dastuurka loo dirayo ansixinta ku-meel-gaarka.

HEER QARAN: XUKUUMADDA SOOMAALIYA: 971-1990

  • Wasiir: Wasaaradda Gaadiidka Dhulka iyo Cirka.
  • Wasiir: Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada.
  • Wasiir-kuxigeen: Wasaaradda Gaadiidka Dhulka iyo Cirka.
  • Xildhibaan: Xubin Golaha Shacabka. 01/1984 – 05/1990
  • Xoghaye Joogto: Wasaaradda Gaadiidka Dhulka iyo Cirka. 1984-1985
  • Xoghaye Joogto: Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada. 1979-1984
  • Agaasime Guud: Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada. 1975-1979
  • Ku xig. Ag. Guud: Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada. 1973-1974
  • Ag. Waaxda Shaqada: Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada 1974-1975
  • Madaxa Qaybta Baarista shaqada: W/ Shaqada & Arrimaha Bulshada. 1972-1973
  • Isuduwaha Xafiisyada Shaqada Gobollada: W/Garsoorka Shaqada iyo arrimaha Diinta 1969-1972.KHIBRADAHA QAAANUUNIGA
  • Xubin ka mid ah Guddiga Farsamo ee Diyaarinta Dastuurka Jumhuuriyadda Soomaaliya. Mogadishu, Somalia. 1989-1990 – Guddigan wuxuu Qormadii Dastuurka u Gudbiyeen Golaha Shacabka . Dood muddo b5 bilood socotay ka dib waxaa la ansixiyey 12ki Oktobar 1990 waxaa Faafinta Rasmiga ah lagu soo saaray 14 Oktoobar 1990.
  • Guddoomiyaha Kooxda (Panel) Diyaarinta Sharciga Shaqada Soomaaliyeed ( Somali Labour Law) iyo Sharciga Shaqaalaha Rayadka ah ee Dawladda (the Somali Civil Servants Law) -Mogadishu, Somalia.1970 – Guddiga wuxu dib-u-habayn ku samayey habka meeleynta Shaqaalah Dawladda, wuxuuna hirgeliyey jagooyinka “Xoghaye Joogto” iyo qiimaynta Xirfadleyda iyo Farsamo yaqaanada – heerka Sharciga Shaqaalahana wuxuu aad u waafajiyey heer xuquuqda caalamiga ee loo oggol yahay Shaqaalaha.

1991 – 2008

Waxaan xilal iyo shaqooyin kala duwan ka qabtay Dalka Norway, oo ay ka mid yihiin

  • Macallin dugsiyada Sare ee Koofurta Trøndelag
  • Xubin ka mid ah Guddi dhexdhexaadinta khilaafaadka (Trøndelag Konfliktrådet) – Wasaaradda Garsoorka;
  • Kaaliye QareenLeif Strøms Jus-Informasjonen law firm;
  • Xoghayaha Guud – Guddiga Fulinta Muslim Sosciety of Trondheim, Norway;
  • Xubin ka mid ah Muslim/Christian Interfaith Forum for Dialogue, in Trondheim & Trøndelag
  • Xubin ka mid ah Guddiga ka hortagga Midabtakoorka -Kontaktforum mot Rasisme og diskriminering , Trondheim, Norway
  • Xoghayaha Ururka Qareemada Caalamiga ah ee Trondheim – International Lawyers Association, Trondheim, Norway.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!