Tababar Kampala ugu soo dhamaaday haweenka xildhibaanada ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya

by admin | Saturday, Mar 21, 2015

Kampala : HN :–Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta loogu so gebagebeeyey magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda Tababar la xiriiray kordhinta haweenka doorka hogaamineed ee siyaasadda dalka.

Tababarkan waxaa ka soo qeybgalay inta badan xildhibaannada haweenka ah ee ku jira baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo xubno Xildhibaanno ah oo kaaliyeyaal u ah waxaana mudada todobaadka ah ee uu socday ay xildhibaannadu diiradda ku saareen waxyaabaha u qabsoomay mudada ay sameysteen haweenka xidlhibaannada ah gole ay ku mideysan yihiin iyo kobaca xiligan saameynta ay Haweenku ku leeyihiin siyaasadda dalka.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo markii aqoon kororsigan loosoo xiray Haweenka DSC_4942Xildhibaannada ah la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in mudada todobaadka ah ee ay Xildhibaannadu
joogeeen Kampala la qabtay shaqo adag oo ay ugu horeysay dib u eegista waxyaabihii u qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay iyo iney saameyn muuqata Haweenku ku yeeshaan sharciyada lagu dhisayo guddiyada madaxa banaan ee
Dastuurku farayo taasi oo micnaheedu tahay in Haweenka kaalin muuqata kusii yeeshaan hiigsiga 2016ka.

Aqoon kororsigan magaalada Kampala loogu soo gebagebeeyey Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqonaya tababarkii seddexaad ee magaalada Kampala lagu qabto inta lagu jiro fasaxa Baarlamaanka waxaana maalinta berri ah la filayaa iney yimaadaan Uganda Howlwadeeennada Baarlamaanka si iyana ay qibrado uga kororsadaan qaabka ay looga shaqeeyo Baarlamaanka wadankan ayadoo arintanna ay qeyb ka tahay dhaqan gelinta heshiisyo ay horey u saxiixeen Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!