Tababar lagu baranayo cudurka dhimirka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

by admin | Thursday, Oct 1, 2015

Muqdisho : HN :–Hay’adda Habeeb Mental Health Foundation oo kaashaneysa Hay’adda Mersey Care NSH trus oo fadhigeedu yahay magaalada Liverpool ee dalka engiriiska ayaa maanta u furay tababar aqoonyahano isugu jira dhaqaatiir,kalkaaliyayaal caafimaad,iyo xirfadlayaal ku tacaluqa dhanka caafimaadka kaasi oo soconaya 12 isbuuc, (lix bilood) kaasi, waxaana xubnahani ka faa’ideysanaya ay ka kala socdaan qeybaha kale duwan ee xaruumaha caafimaadka ee ka jira dalka.

Tababarkani oo ka furmay maanta xarunta isbitaalka dhimirka ee Dr Xabeeb magaalada Muqdisho ayaa casharada ay baranayeenIMG_1024 xubnaha ka qeyb galayay tababarka waxa ay kaga faa’ideysanayeen aalada Enternetka oo maqal iyo muuqaal Islamarkaana oo i toos ah, (Online e-Learning Mental Health Training Course),  iyadoo casharada ay bixinayeen Macalimiin ajnabi ah oo ku sugan dalka Ingiriiska.

Barnaamijkani ayaa waxaa hogaaminayay oo si Online casharada u bixinaya Dr Yasir Abbasi oo ah dhaqtar talo ka bixiya cudurada dhimirka iyo muqaadaraadka una qaabilsan Hey’adda Mersey Care NHS Trust iyo Dr Joe Raffery Chief Executive Mersey Care NHS Trust ayaa si qoto dheer kaga sheekeeyay dhibaatooyinka cudurada dhimirka iyo xal u helidooda, taasi oo ay wax badan ka faa’ideen ka qeyb galayaasha tababarka.

Furitaanka tababarkii maanta ayaa waxaa ka hadlay Agaasimaha hey’adda daweysa cudurada dhimirka iyo raabiyada Dr C/raxmaan Cali Cawaale (Dr Xabeeb) oo sheegay in tababarkani uu ka dhiganyahay guul u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed ayna hey’addani ka dhisan UK ay ka gacansiin doonto caawimaada iyo daweynta dadka dhimirka la’, waxaana uu balan qaaday xarunta Xabeeb in mar walbo ay garab taagantahay umadda Soomaaliyeed.

Isbitaalka Dhimirka ee Dr Xabeeb ayaa ah isbitaal u adeega umadda Soomaaliyeed islamarkaana adeegyo caafimaad oo hagar la’aan ah u fuliya dadka qaba cudurada dhimirka oo qaarkood uu ku guuleystay in uu wax ka qabto xaaladooda caafimaad, waxaana dadaaladani xiriirka caalamka uu ku wanaajinayo  ayaa ka dhigan horumarinta xaruumaha caafimaadka ee Dr Xabeeb iyo dar dar galinta fulinta howlaha caafimaadka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!