Tacsi QARAN iyo tacab qasaaray! WQ: Bashiir M. Xersi

by admin | Sunday, Feb 1, 2015

Dadku waa saddax; indheer garad, indhaw garad iyo in ma garato! Kan hore, bulsho iyo beled walba waa ku yaryihiin, isaga oo haddana, ku badan kara, hadba wacyigajira, heerka aqoontu gaarsiisan tahay, kaalinta dumarku ku leeyihiin bulshada, ilbaxnimadu inta ay la egtahay, habka loo nool yahay iwm. Kan dhexe waa inta badan iyo madaxa madaw, gaas dhagoole iyo caamma dhaga weyn. Halka kan u dambeeya uu yahay; ha yaacdo iyo maadigaa yiri.

Yaad tahay? Fekerkaaga. Saf dheer soo gala. Maalin Qiyaamo ma ahan, qorraxduna dhakada ma saarra, haddana, dhammaan waan is wada xisaabinaynaa. Ma ahan dambi aad qof ahaan u gashay, haddana, waxaad ka tahay qayb firfircoon oo kaalinta hore ka galay, uga jira, ama fadhiid sacab iyo sawaxan, alalaas iyo mashxarad, suugaan iyo waxyaabo kale kula falgalay.

Maalinta dambiga la galay ama faldambiyeedku dhacay, waa; 10/9/2012kii. Maalin ka mid ah, maalmaha madaw, ee Soomaali soo maray, walina soo mari doona, sida muuqata. Waxaa dhacday doorasho ku sheeg, ka dhacday Muqdiso –MAGAALADA MASHAQADA MARYOOLEEY– oo nalagu yiri, saddax arrin, oo kala ah; (1) KU MEEL GAAR waa laga baxay (BEEN). (2) Hoggaankii waxaa qabtay madani aan dagaal qayb ka noqon (RUN). (3) Qabqablayaashii iyo Wadaaddadii waa laga gudbay! (BEEN).

In rajo ku nool la yahay, ma moogi, gaar ahaan inta dibadda ku daashay, oo nolosha dhan, ayaa iska rajo ah, haddana, murtidu waa tii eheed; “Soortaan cunayo, saansaanteeda ayaan ka aqaan” mid kalana waa tii eheed; “Qofkii araggiisu ku deeqaa, uuntiisu ku deeqdaa”. Aadanuhu waa danleey, noloshuna waa wada dan, haddana, in la garan waayo taa, maxay ku dhacday? Ma ogaal li’i, mise aqoonyari? Ma aqool xumo mise arag la’aan?.

Dhacday! 10wasiir, Soomaali qofka, qolada iyo kooxda u soo qoondaysay, way iska caddayd, inuusan rabin ama danaynayn xalkeeda, haddana, mar labaad ayaa loogu lisay, sidii inuu istaalo ama mudan yahay. “Ishiisa laga gartaa, ushiisa lagu dilaa” qofkii xantaada og, inuu kuu xeeladaysto ma ahan, ee waa inuu xabadka kaaga dhacaa, ee xananka kugu jiidaa. Sidaa ayaana dhacday.

10kii Wasiir iyo madaxoodiiba, waa tii barqo cad la diray. Looma arag dawan FASHIL, feejignaanna ma dhalin, ee sidii nalagu yaqaannay, ayaanba sii laba kaclaynnay, oon niri; “Sax waaye, sax waaye, sax waaye!” qofka mariid, sun iyo kuu qooshaya dacar, haddii aad adigu malab, macaan iyo u diyaarinayso wax uu muudsado, xaggee ku hurayaa, inuu mar walba mardaddabo iyo kugu wado murqojarid, illeyn, aduu maangaabnimada kaa arkaye?.

Qilaafka qandaraasleyda

Ka rid, oo ku rid, kan siib, oo ku saar, ka tuur, oo ku taag, ka dhig, oo ku dhig, qofka ay shaqadiisu tahay, haddana, haysta taageero ballaaran, tub xaaran iyo tiro u taagan, muxuu ku falaa wanaajin iyo waajibgudasho? Waxaad helayso, adoon daal iyo u marin dhib, inaad fadhigaaga ku qaadanayso waa hubaal. Haddana, mar walba qofku waqtiga ku socdaa, waa adiga/anaga (qaran, ummad, bilsho), ee amay habboon tahay inaadan G… isku sii dheerayn!

Doqoni, dibir kama dharagto” kii hore iyo kafeddii la saaray ama karfantii loo galiyey kuma quusan, waxna kuma qaadan, ee mar kale, ayaa mid cirka laga soo laliyey, sida kuwii ka horreeyey iyo kuwa ka dambayn doonaba la keenay. Timide, maxaad la timid? Maxaa kaa horreeyey, ood u tumid ama la tamid? Maxaase kaa dambeeya, ood ka tagee ama la tagee? Qarash, qandi iyo qasnad hubaal, balse, magac, muunad, maamul iyo maarayn midna maya. WAA DHAQLAYSO!

Talyaaniga ayaa ku maahmaaha; “Non c’è due senza tre” (Laba aan saddax lahayn ma jirto” Marka haddii la marayo, saddax midi ka dambeeyo, anigu waxaan dhihi lahaa; horta saddaxda na dhaafi, oo afar iyo ka badan gaarsii, waqti waad haystaa aad ku badisee, si MW adiga kaa dambeeya, uu isna ugu dadaalo sidii uu u shanayn lahaa ama u lixayn lahaa. HA DHAQLAYSO! Maxa yeelay, sabsablaha Soomaaliga ah, waxaa habboon inuusan kursiga ku dul xididaysan, haddii kale, hadhaw lagama fujin karo, iska tagna ma garto. Sidoo kale, hantida uu lunsanayo haddii hore laga hantaatiqiyo way ka yaraan kartaa marka uu sanado joogo midda uu dhici lahaa. inta uusan xididdaysan la siibo!

Anigu haddii maalin walba RW cusub la magaabo ama MW, waxaan dhihi lahaa; waa sidaan rabnay iyo ka sii fiican, illeyn, adigu tuug aad ogtahay inuusan dan kuu wadin, maxaa kaa galay, haddii la casilo ama uu is casilo maalin gudaheed, kaaga darane, aad siiba ogtahay, in kan xigaana uu tuug kale yahay, oo uusan ka khayr roonayn? Waa HA DHAQLAYSO, eray kale uma hayo anigu, laga yaabee adigu (aqriste), inaad erayga macne caay ah u taqaan, anigu maya, marka ha igula yaabin.

Digasho igama ahan, ee dabciga ayaa sidaa noqday. Midda kale, la ye; “Afeef hore lahaaw ama adkaysimo dambe lahaaw!” maalintaa madaw, ee inta badan loo wada mashxaradeeyey, ayaan iri; war ninka naga eega, meesha uu ka yimid, waxa uu yahay iyo cidda uu u shaqeeyo. Waxba yaanan gocosho galine, haddadan la joogo, maxaa inoo dana; “Cayro caymo ma diiddee?” Mise, sidaa ha ku socoto ayaa dan loo arkay? Cirka soo dumi meesha aad ka gasho ayaan ka gelaahe! Yey u daran tahay horta? Moogi. Bal adba.

Laga yaabee, adoo ka mid ah, dhashii Siyaad BarreAabbaha Burburka Soomaaliya” inaad i leedahay, anigu tacsi qaran hore baan u dhigay, walina Aseeydii ayaan sidaa? Horta ma ogtahay, in dhibkanba uu noogu wacnaa rajiimkii iyo raggiisii, oo haddii aysan jiri lahayn, aannaan sidan uga faalloonneen xaalkeenna? Bal adba.

Doqon is dooratay!

Marka FASHALKU noqdo, astaan shafareed, in loo kala tartamayo waa hubaal, haddana, inaan lagu baruuruginu waxay dhashaa, in inuu joogto ahaado iyo xaalad jirta mar walba (caadi iska ah). Waxaan arkaa qolyo C/kariim Guuleed oo ka mid ah ragga soo laabtay/la soo celiyey, ku dhaliilsan wuuba fashilmaye, maxaa soo celiyey? “Hal xaaraan, Nirig xalaal ah ma dhasho!” haddii Xasan MW yahay, 3sano uu marayo 3RW, RW 3aad ee uu keensadayna yahay Ina Sharmarke, oo afar sano ka hor ku FASHILMAY hoggaaminta, ka hor isagooba naf ahaan u fashilnaa, maxaad ka filan kartaa inay xukuumaddiisu ku dhisnaato?.

Midda aniga iigaba yaab badani waa, waxa xukuumadda loo magacaabo seqdhexe iyo cawo dambe? Ma waxaa dhab ah, sheeko kaftankii eheed, reer Bari Galguduud iyo Mudug, marka ay dan leeyihiin, habeenkii ayey guureeyaan? Moogi. Dunida meel ay ka jirto ma lahan, xukuumad habeen lagu dhawaaqo, haddii aan xaalad dagaal lagu jirin iyo degdeg. Dhaqan xun ayeyba siyaasadda ku soo kordhiyeen kuwani.

Tan kale, ee la yaabka lihi waa, dawlad aan lacag lahayn, waxa ay mar walba u magacaabee Wasiir Maaliyad, oo haddii aanba waddanku lacag lahayn, muxuu maaliyadeeyaa? Ma tiisa mise ta uu nagu xado ama ay naga xadaan? Sir kale ayaa ku jirta, oo ah, kaliya in lagu boobo dhaqaalaha iyo dakhliga Muqdisho, maxaa yeelay, waxay ku leeyihiin, waddanku waa Federal, haddana, xagga dhaqaalaha wali kama noqon. 10sano ka badan waxaa la korsaarraa, oo la wada biishaa canshuuraadkeeda. Kuwa qaylada badan Federalku -waa qolyaha Bariga-, iyaguna ugu heshiisgal badan dawladda, oo waxaa ugu dambeeyey kii Laba Cabdiwali. In kasta oo ay mar walba la taagan yihiin DALTUURKA ayaa wax laga badalay iyo wax ha nala siiyo ama wax ha nala ka siiyo waxa yaal, wali lagama hayo, intan ayaan qayb ahaan qasnadda dawladda ugu kabaynnaa ama naga go’do. Waa aan kugu dulnoolaado, inta aan kaa danaysanayo, oo aan dawlad ka noqonayo!

Midda kale, oo sadarradan xiriir la lehi waa, waxa badi wasaaraddaa loogu dhiibo mudane ka soo jeeda reerkaa, oo aan beelaha kale lagu tijaabin, marka laga reebo markii uu ahaa Shariif Xasan, ooba u qalmay, maxaa yeelay, Wasaarad Maaliyad, oo loo dhibay, nimaan wax baran, haddi ma ahan aan dhaqaale baran, waxaa laga hayaa Soomaali uun. HA DHAQLAYSO! Dhanka kale, beelaha Muqdisha, badi iyagana waxaa la siiyaa Wasaaradda Arrimaha gudaha, Amniga, Warfaafinta iwm. U fiirso, 10kii sano, ee la soo dhaafay wasaaradahaa marar dhif ah ma ahane, inta kale, beelahaa ayaa qayb ahaan u helayey.

Dal xaraash ah!

Haddii ewel dayac iyo diif laga caban jiray, hadda waxay maraysaa in dalkii oo dhan la xaraasho. Qayb ka mid ah waa la gudagalay, intii uu xilka hayey Ina Sharmarke, oo malaha mar kale u soo laabtay, inuu dhammaystiro qorshaha uu qabyada uga tagay. Warse waxaad isaga daysaa; inta Cabdishakuur oo kale uu Wasiir noqonayo, inaysan Soomaali rajo yeelanayn. Ku lahaa; “CUMAR AMIRKIISAAN KU SAXIIAY HESHIISKA!” haddii uu dhihi lahaa; Warqaddani waa tii lagugu dili lahaaye saxiix, toloow, ma saxiixi lahaa? Ka muhimsane, haddii uu dhihi lahaa; Warqaddan waa tii xaaskaga lagaaga furan lahaaye saxiix, toloow, ma saxiixi lahaa?.

U darso, Ina Sharmarke ayuu ahaa, kii afkiisa ka yiri hadal u dhigma; “Meesha waxba kuma aannan ahayn, oo waan iska fadhinnay!” oo kaalay, haddana, muxuu soo doonay? Meel aad ogtahay in waqti kaaga dhumayo, miyaaba la yimaad? Yaab. Intaa waxaa u dheer qabyaaladda iyo beelaysiga. Xasuuso heshiiskii uu beesha kula galay Gaalkacyo, ololihii uu u galay sidii Kismaayo uu u qabsan lahaa Axmed Madoobe iyo Kenya, shirkii qaswadayaasha ee Nayroobi.

Waxaad ogaataa oo kaliya, in kuwa faraha badan, ee Ina Sharmarke keensaday ay kaas la mid yihiin ama ka liitaan xagga garashada iyo garaadka, marka maxaad sugee, aan ka ahayn xaraash iyo xoolo jaban? Bal adba. Waxaase laga sheegay Diinkii; “Meesha la iigu heshiiyey, saw Alle ma joogin?” waxaa kale oo la yiraa; “Siday u ilxun tahay, oo u rag xun tahay, uma Alle xuma!” bal intaa niyadda ku dhis, rajo ha ku gashee, aniga iga guurtaye.

Iyadoo wali ay noo socoto xisaabtankii, waxaan doonayaa, qof walba oo Xasan iyo xertiisa soo dhaweeyey, u sacbiyey inaan weydiiyo; miyirku ma idiin soo laabtay mise wali waa la idin saaqsan yahay? 3sano ka dib, aragtidiinna wax ma iska badaleen? Ujeedku ma ahan mid Xasan kaliya ku aaddan, ee guud ahaan waa sabsablaha Soomaaliyeed.

Inta ay inaga dhexhelayaan, kuwa ay dantooda ku gaaraan, waa hubaal, in sabsablayaashu aysan ka suulayn inay silac iyo sillooni nagu sii hagaan, ee indhaha in la kala furo waa muhim.

“Indheer garad damqada iyo ma maran, Odey xishoodaaye
Aqyaar samaha jecel looma weyn, Taloy iftiinshaane
Aqoon iyo haddii lagu fakaro, Garasho iimaan leh
Albaab nabadda loo marobulshada, Kuma adkaadeene
Inta xumi, in qumman bey ra’yiga, U oggolaan weyday.

~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
Ololkeey shideen kuwii dartood, Eeddu kugu raacday

Inaad kala adeecdaahi waa, Kuu aqoon yariye
Adiga iyo in kula mida ayaa, Lagu adeegtaaye
Oogadiisa duul nabar ku yaal, Eel kasii kiciya

Oo asigu damqiya fiitadiyo, Arramidii boogta
Waa kan ugu ayaan daran dhammaan, Noolohoo idile
Aaran kaaba dida hadduu meel, Aar ka soo galo’e
Inta Lo’ iyo Ari garan hadduu, Aadmi garan waayo
Idaan gowrac ka hor samada arag, Sow la oran maayo?!”

Gabaygii; “Sow la oran maayo?!

Abwaan Barre Maxamed Fiidoow “Leento”

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!