Tahriibayaal ku dhintay xeebaha Liibiya

by admin | Wednesday, Apr 15, 2015

Liibiya : HN :–Iyadoo wali ay jirto qul qulka tahriibayaasha u badan qaarada Africa, ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya khataro iyo halis ka jirta  tahriibka oo lagu tilmaamo biibo iyo nafta oo halis badan la galiyo.

Warar laga helay ciidammada badda Talyaaniga ayaa lugu sheegay inay dhinteen ilaa 400 oo tahribayaal ah kuwaas oo ay la deg-tay dooni yar oo ay la socdeen.

Dootan ayaa degtay markii ay ka soo baxday biyaha waddanka Liibiya,waxaana la sheegay dadka dhibtay inay u badnaayeen carruur,sida waxaa sheegay qar ka mid ah dadkii ka badbaaday doonta.

Sidoo kale,ilaalada xeebaha ee Taliyaaniga ayaa soo badbaadiyay 144 qof, waxayna bilaabeen howlgal baadigoob ah oo diyaarado ay kaIMG_BB32DF-1A6988-71F0C4-DF588A-683AB2-A8E951 qeybgalayaan iyagoo weli rajo ka qaba in dadkaloo badan la badbaadiyo.

Hay’adda badbaadada dhallaanka waxa ay sheegtay in kuwa la soo badbaadiyay badankooda ay yihiin dhallinyaro.

Midowga Yurub waxa ay sheegayaan in illaa iyo Jimcihii in la soo badbaadiyay 7000 oo qof oo ku tahriibayay badda Mediterranean.

Dadka la soo badbaadiyay waxaa ay sheegayaan in musiibadan ugu dambeysay ay dhacday kaddib markii ay quustay doonta ay saarnaayeen 550 muhaajiriuin ah.

Sagaal mayd ayaa illaa iyo hadda la helay, balse qof kaloo nool weli lama helin.

Korarka muhaajirinta waxaa xilligan sabab u ah inay badda degan-tahay,taas oo muhaajirinta ku dhiiri-galisa in ay ku safraan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!