Taliska AMISOM ee gobollada dhexe oo ka warbixiyay howlgalka ay ka waddaan G/Hiiraan

by admin | Tuesday, Aug 11, 2015

Beledweyne : HN :–Taliyaha qeyba afaraad ee howlgalka midowgga Africa AMISOM Col Cabdoow Dhimbil ayaa sheegay in howl galada ay ka wadeen Gobolka Hiiraan ay ku dileen illaa 98 ka tirsan dagaalyahanada Shabaab.

Waxaa uu sheegay in howlgalka ay ka wadaan gobolka ay kula wareegeen deegaano dhowr ah oo ay kAMISOM-5a mid yihiin Buq-Aqable, Halgan, Moqokori iyo deegaano kale oo dagaalyahanada Shabaab ku sugnaayeen

“Inta badan howl galada waxaa ay ka socdeen deegaanada Ceel-Idaad, Buq-Goosaar, ceel cali, dhamaan meelahaas waa laga saaray Shabaab, waxaa uga dilnay 98 dagaalyahano, duqeymo diyaaradeed waxaa looga gubay lix gaadiid”ayuu yiri Col. C/raxmaan Dhimbil.

Taliyaha ayaa intaa ku darray in howl gallada ay labo jiho ka socdaan oo ah dhinaca Galgaduud iyo Hiiraan, waxaana uu tilmaamay in Al-Shabaab ay haatan isku uruursadeen Galhareeri iyo Xararhdeere.

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa wali isku dayaya inay isku furaan wadada isku xirta Beledweyn iyo Buulo Burde, oo muddo go’doon ku jirtay, waxaana muuqata in wali ay ciidamada isbaheysanaya xal u heli la’yihiin go’doonka ay degmooyinka qaar ku jiraan.

Ugu danbeyntii ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada Sarkaalkan, iyadoo Shabaabka mudooyinkii u dambeeyay ay luminayeen deegaano dhowr ah oo dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Hiiraan Net,

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!