Taliska AMISOM oo ka hadllay la wareegistii jasiirrada Kudha

by admin | Sunday, Mar 22, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxa ugu sareeya howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa ka hadlay qasashadii ciidamadooda iyo kuwa maamulka Jubba ee Jasiiradda Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, iyagoo sheegay in Al-shabaab laga saaray Kudhaa.

War-saxaafadeed ka soo baxay hogaanka AMISOM ayaa lagu sheegay in Jasiiradda Kudhaa ay ahayd deegaankii keliya ee ay Al-shabaab kaga sugnayd gobolka oo dhan ayna weerarrada ay ka geysanayaan deegaannada ku yaalla Koonfurta Somalia kazoo abaabuli jireen.

Ergayga Midowga Afirka ee arrimaha Somalia danjire, Maman S. Sidikou oo qabsashada Kudhaa ayaa sheegy in tani ay tahay guulMaman-Sidikou weyn oo ay ciidanka isbahaysanaya gaareen, isagoo xusay inay tahay fursad kale oo horay u sii dhaqaajinaysa nabad raadinta Somalia.

“Jasiiradda Kudhaa waa meel aad muhiim u ah, xoreynteedana waxay guul weyn u tahay horumarka nabadda iyo amniga gobolka Jubbada Hoose. Waan sii wadaynaa inaan Al-shabaab ka saarno meel walba illaa ay Soomaaliya ka noqonayso nabad,” ayuu yiri danjire Sidikou.

Ugu dambeyn, war-saxaafadeedka AMISOM ayaa lagu sheegay in deegaanno ay ka mid yihiin Madhabo iyo Dagazi ay horay gacanta ugu hayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia, diyaarna ay u yihiin inay gobolka oo dhan ka saaraan Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!