Taliska AMISOM oo su’aalo laga weydiiyay tacadiyada ay u geystaan dadka shacabka

by admin | Tuesday, Aug 11, 2015

Muqdisho : HN :–Kulanka su’allo weeydiinta oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeybgalay oo guddiga Difaaca ee Baarlamaanka ay u yeerteen Danjiraha Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya ahna madaxa howlgalka AMISOM Maman Sidikou, taliyaha Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM Jeneraal Jenathan Ronu, ku xigeenkiisa iyo saraakiil kale oo ka socotay taliska Midowga Afrika ee howlgalka AMISOM.

Kulanka oo shir Guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa waxaa carab-ciisexubnaha guddiga difaaca ee Baarlamaanku ay weeydiiyeen su’aallo la xiriira sida uu u socda howlgalka gobollada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, sharciyada ciidammada AMISOM, xadgudubyo lagu eedeeyey in Ciidammada AMISOM ay ka geysteen magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose iyo deegaanno ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Hiiraan.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib la hadlay Warbahinta Qaranka ayaa tilmaamay in su’aallihii ay weeydiiyeen xubnaha martida u ahaa waxaana uu uga mahad celiyey aqbalaadda u yeerista guddiga, waxyaabaha la isku af gartayna ay ka mid tahay guddiyo labada dhinac ah in loo saaro baarista xad gudubyada lagu eedeeyey ciidammada AMISOM.

Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Maman Sidikou oo isna dhankiisa la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay iney aad ugu faraxsan yihiin in Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka ay u yeertaan, isla markaana su’aallo la weeydiiyo waxaana uu ballan qaaday dhankooda iney sii wadi doonaan wadashaqeynta ay leeyihiin guddiga difaaca ee baarlamaanka.

Kulankan su’allaha lagu weeydiinayey safiirka midowga Afrika ee Soomaaliya iyo taliyaha ugu sareeya ciidammada AMISOM waxa uu qeyb ka yahay waajibaadka uu golaha Shacabka u idmaday guddiga difaaca ee baarlamaanka oo ah iney u kuurgalaan wax walba oo la xiriira difaaca ama hoostaga gaashaandhigga.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!