Taliska AMISOM oo xero tababar ka furaya magaalada Kismaayo

by admin | Saturday, Oct 17, 2015

Kismaayo : HN :– Sarkiil ak tirsan ciidammada booliiska midowga Africa AMISOM ayaa gaaray magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay ka hir-galiyeen xerro   weyn oo lagu tababaro ciidammada booliiska maamulka Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa kormeertay Xerada cusub oo ay ku tababari doonaan Ciidamada Maamulka waxa ayna sidoo kale cagta soo mariyeen dhamaan goobihii ay ku baran lahaayen dab ridka.

bo1Xeradaasi ayaa loogu talo galay tababarka Booliska, waxaana sidoo kale dadka booqday kamid ahaa Masuuliyiin ka tirsanaa Maamulka kuwaasi oo wax ka indha indheeyay xarunta.

Maamulka Jubaland ayaa waayadaani danbe xooga saara dhismaha xarumaha ciidammada i waxaana xusid mudan in Maamulka uu dhawaan yeelan doono Boolis ka howlgala magaalada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!