Taliska Asluubta G/Hiiraan” waxaan fashilinay weerar lagu furan lahaa maxaabiis

by admin | Tuesday, Aug 11, 2015

Beledweyne : HN :–Taliska Ciidanka Asluubta ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay fashiliyeen isku day Al-Shabaab ku doonayeen inay maxaaabiis ku furtaan, kadib markii habeen hore ay weerar ku soo qaadeen Xabsiga dhexe ee magaalada Beledweyn.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Gobolka Hiiraan Cali Cabdulle ayaa sheegay weerarkii Al-Shabaab habeen hore ku soo qaadeen xabsiga magaalada Beledweyn uu ahaa mid ay ku doonayeen inay maxaabiis ku furtaan, balse aanay u suura gelin.“Waxay doonayeen in maxaabiis xabsiga ku jirta xabsiga ay si xoog ah ku furtaan, balse uma suura gelin, waana laga hor-tagay”ayuu yiri Taliye kuxigeenka Ciidamada Asluubta.Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa markii dambe u gurmaday ciidamadii ilaalada ka ahaa xabsiga.

Xabsiga dhexe ee Gobolka Hiiraan waxaa ku xiran maxaabiis dhowr ah oo ay ku jiraan rag lagu tuhmayo inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin.

Xabsiga magaalada Beleweyne waxaa ku jira maxaabiis ku eedeysan danbiyo kala duwan, waxaana ka mid ah maxaabiis dhalinyarro ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Hiiraan.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!