Taliska baliiska oo sheegay in ay helleen raadad muujinaya goobihii xalay laga soo weeraray madaxtooyada

by Somali | Wednesday, Dec 5, 2012 | 19 views

Muqdisho : HN :   Taliska baliiska dowladda Soomaaliya oo sheegay in saacadihii ugu danbeeyayba baadi goob ku hayeen goobihii xalay laga soo weeraray xaafaddaha ka agta dhawaan xarunta madaxtooyada ayaa sheegay in ay helleen radad muujinaya goobihii xalay weerarka laga soo qaaday.

Jen Axmed Xassan Maalin oo ah taliyaha ciidamada baliiska gobollka Banaadir ee dowladda Soomaaliya sheegay in baaritaan dheer kadib ogaadeen in xaafadda Gubta ee degmada Deyniile ka mid aheyd goobihii weerarka laga soo qaaday ama madaafiicda lagu soo tuurayay.

‘’Kooxaha weerarka soo qaaday ma’aheyn kooxo banaanka uga yimid caasimada, halkan aaan hadda joogo ee gubta ayeey weerarka ka soo qaadeen, baadigoob ayaana ugu jirnaa iyaga ayuu yiri,’’ taliyaha ciidamada baliiska gobollka Banaadir.

Guddoomiyahaasha degmooyinka Boodheere iyo Wardhiigley ee gobollka Banaadir ayaa sheegay in ay madaafiicdii xalay ku dhaawacmeen ila shan ruux kuwaasoo ay waqtigaa hurday guryahooda.

Madaafiicda xalay ku dhacay xaafaddaha ay ku nool yihiin dadka rayid ah ayaa bartilmaameedkoodu ahaa xarunta madaxtooyada, laakiin lama sheegin wax khasaare ah oo ay xarunta gaarsiiyeen.

Hiiraan net/

 

 

Like it? Share it!