Taliska Baydhabo oo ku eedeeyay sarkaal ka tirsanaa hay’adda FAO in uu Al-shabaab la shaqeynayay

by Somali | Friday, Dec 7, 2012 | 2 views

Baydhabo : HN :  Taliska ciidamada baliiska magaalada Baydhabo ee xarunta gobollka Bay ayaa ku eedeeyay madaxii hay’adda FAO ee gobollka Bay Idiris Cabdi Dhakhtar in uu ka tirsanaa lana shaqeynayay sida ay hadalka u dhigeen kooxda Al-shabaab.

Col Mahad C/raxmaan Aadan oo ah taliyaha ciidamada baliiska degmada Baydhabo ayaa sheegay in mas’uulka loo heysto sida uu hadalka u dhigay eedeymo la xiriira in uu si toos ah uga tirsanaa kooxda Al-shabaab.

‘’Annaga ayuu noo xiran yahay sarkaalka, waxaan ka soo kaxeyna gurigiisa, waxaa helnay cadeymo muujinaya in uu ka tirsan yahay ama uu la shaqeeyo kooxda Al-shabaab, walina baaritaana ayaa socda ayuu yiri,’’ taliyaha ciidamada baliiska Baydhabo.

Waxaa uu sheegay taliyaha in ay hayaan sida uu hadalka u dhigay cadeymo dhab ah oo muujinaya in uu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, isaga oo meesha ka saaray in uu yahay mas’uul u shaqeeya hay’adda FAO.

‘’Annaga sida aan warka ku heyno mar hore ayaa hay’adda laga eryay, sababo la xiriira eedeymaha hadda aynu u heysano ayaana shaqada loo eryay, ayuu yiri,’’ taliyaha.

Mar la weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in ay u gacan galiyeen ciidamada Itoobiya, waxaa uu sheegay in ay yihiin warar sal iyo raad aan laheyn, islamarkaana uu ku jiro gacanta ciidamada maamulka.

‘’Idiris waa nin reer Baydhabo ah, waan nin mudo dheer la soo shaqeynayay hay’addaha caalamiga ah, sidaa daraadeed annaga ayaa gacanta ku heyna, ma jiraan wararka sheegaya in Itoobiya loo gacan galiyay,’’ ayuu yiri,’’ Col Mahad C/raxmaan Aadan.

Marka laga soo tago eedeynta taliska ciidamada baliiska dowladda Soomaaliya, ma jiraan warar madaxbanaan oo ka hadllaya in mas’uulkaasi uu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!