Taliska booliiska ka warbixiyay howlgal ay ka sameeyeen Muqdisho

by admin | Tuesday, Dec 16, 2014

Muqdisho : HN :– Saraakiisha ciidamada booliiska dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho, maalin ka hor oo lagu soo qab-qabtay dad gaaraya 200 oo ruux.

Khaasim Axmed Rooblle afhayeenka ciidamada oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in dadkii howlgalkaasi lagu soo qabtay intooda badan lasii daayay, marka laga reebo dad yar oo ciidamada ay wali baaritaan ku wadaan.

Howlgalada dadkaan lagu qabtay ayaa laga sameeyay saddex Degmo oo Xamar ku yaalo, kuwaasi oo kala ah Boondheere, Xamar jajab iyoKhaasim Axmed Rooblle Xamarweyne.

Afhayeenka Booliiska Qaasim Axmed Rooble ayaa dhanka kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka rajeynayaan in Hay’adaha ammaanka ay la shaqeeyaan oo shacabka ay kusoo wargeliyaan Booliiska dadka ku howlan amnidarada.

Booliiska Soomaaliya ayaa 20-ka Decembar waxa ay u diyaargaroobayaan munaasabada 71-sano guuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasay ciidanka Booliiska.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!