Taliska Jabuuti oo agab qiimo badan ugu deeqay beeraleyda gobolka Hiiraaan

by admin | Saturday, Jun 27, 2015

guddoom2Beledweyne : HN :–Taliska Ciidamada jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa maanta qalab loogu talo galay beeraleyda Gobolka Hiiraan ku wareejiyay maamulka gobolka.

Qalabkan oo ka koobna matooro cag cagaf iyo qalabka kale . ayaa wareejintiisa wax goobjoog ka ah Gudoomiyaha gobolka Hiiraan sarakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka jabuuti

Taliyaha ciidamada jabuuti ee Gobolka Hiiraan Col Cismaan Dubad Sugule ayaa sheegay in qalabkan loogu talo galay beeraleyda Gobolka Hiiraan islamarkaana uu soo dhibay madaxweynaha jamhuuriyada jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

guddoomi7Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdifatax Xasan Afrax ayaa sheegay in qalabkan uu ka kooban yahay shan matooriyo labo cag cagfa iyo qalabka kale islamaarkaan uu waxbadan ka tari doono wax soo saraka beeraha gobolka Hiiraan.

Agabka maanta taliska ciidammada Jabuuti ay ku wareejiyeen maamulka Gobolka Hiiraan   ayaa noqonaya qalabkii ugu horreyay ee loogu talo galay beeraleyda gobolka Hiiraan oo Ciidamada jabuuti ay ku wareejiyan maamulka Gobolka.

guddoomi6guddoomi1guddoomi3guddoomi4guddoomi9guddoomi8Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!