Taliska midowgga AMISOM oo difaacay doorka ciidammada Kenya

by admin | Saturday, Aug 8, 2015

Muqdisho : HN :–Wakiilka midowgga Africa ee Soomaaliya  Maman Sidikou ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM aanay ka bixi doono Soomaaliya.

Maman Sidikou ayaa u sheegay Wargeyska Daily Nation in ciidamada Kenya door weyn ka qaateen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.sid

“Kama baxayaan Soomaaliya Ciidamada Kenya, joogitaankooda wuxuu door ka qaadan doonaa sidii Al-Shabaab loogaga saari lahaa meelo badan”ayuu yiri Sidikou.

Sidikou ayaa sheegay in howl galka AMISOM uu soo hoyay guulo la taaban karo, isagoo soo hadal qaaday degmooyinkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab laga saaray ee Baardheere iyo Diinsoor.

Al-Shabaab ayaa waxaa uu xilligan culeysyo dhinaca milateriga ka soo fuulaya Ciidamada AMISOM ee ka socda dalalka Itoobiya, Kenya, Uganda, Burundi iyo Jabuuti.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!