Taliska militariga oo wacad ku maray tallaabo ka qaadayaan kuwa dhigtay isbaarooyinka

by admin | Saturday, Nov 8, 2014

Muqdisho : HN :– Taliska militariga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay amar ku qabaan wixii hadda ka danbeeay in ay tallaabo adag ka qaadaan kuwa caadeystay in ay jidgooyada u dhigtaan umadda.

Taliyaha qeybta 12-ka April ee ciidamada xooga dalka Jen, Maxamed Maxamuud Qaafow ayaa sheegay inay amar u qabaan inay tallaabo cad ka qaadaan askartii lagu helo, iyagoo ka qeyb qaadanaya howlo isbaarooyin ah.

“Waxaa amar u heysanaa in tallaabo sharci ah laga qaado askartii lagu helo iyagoo Isbaaro dhiganaya, waxaana Talisku waajib ka saaranciidamadadowlada in maalmaha soo socda uu tallaabooyinkaas uu qaado”ayuu yiri Jen. Qaafow.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay cabasho ka imaanayay gaadiidleyda oo ku aadan isbaarooyin la soo dhigtay deegaano ka tirsan labada Shabelle.

Dowladda Soomaaaliya ayaa marar badan ku dhawaaqday inay isbaarooyinka qaaday, hase ahaatee dib ayay u soo laabanayeen, waxaana intii howl galkaas socday ku dhintay askar ka tirsan ciidanka xooga dalka.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!