Taliyaha AMISOM oo sheegay in isbadal iyo qiimeyn lagu sameynayo howlgalka ciidammada

by admin | Monday, Jul 6, 2015

Muqdisho : HN :–Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Lt. Gen. Jonathan Rono ayaa booqday Saldhig ay ka howl galaan Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howl galka, isagoo xusay in is bedel lagu sameyn doono howl galka Ciidamada iyo goobaha ay joogaan.

Taliyaha ayaa bogaadiyay howsha Ciidamada Burundi, kadib weerarkii labo todobaad ka hor askar badan looga laayay, kaasoo ka dhacay deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Taliyaha_AMISOM_oo_Booqday_Ciidammo (2)

Lt. Gen. Jonathan Rono oo ka soo jeeda dalka Kenya ayaa sheegay in dib u habeyno iyo dib u qaabeyn lagu sameynayo Ciidamada AMISOM, isagoo tilmaamay in dhowaan dib u bilaaban doono howl galka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Waxaa doonayaa inaan idinkaga mahad celiyo doorka aad ka qaadateen howl galka nabad ilaalinta AMISOM, waxaa askar badan ay inooga dhinteen weerarkii ka dhacay Leego, waxay qeyb ka tahay howsha aad dhamaantiin halkan u joogtaan”ayuu yiri Taliyaha AMISOM Lt. Gen. Jonathan Rono oo la hadlayay ciidamada Burundi oo ku sugnaa qeybta shanaad saldhigooda.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM loo soo dhameystiri doono howlaha lagama maarmaanka u ah howl galka ay kula jiraan Al-Shabaab, waxaana uu intaa ku daray in la xoojin doono guulihii horay loo gaaray

Ugu danbeyntii kormeerka taliyaha ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka baxeen deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, inkastoo AMISOM ay beenisay ka bixitaankaas.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!