Taliyaha booliiska oo ka mamnuucay ciidammada cunista khaadka

by admin | Monday, May 18, 2015

Muqdisho : HN :–Taliyaha ciidammada booliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta booqday qaar ka mid ah xarumaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Booliska aysan ku cuni karin qaadka xarumaha ciidamada xilliyada ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

Xarumaha uu kormeerka ku tegay taliyaha ayaa waxaa ka mid ah gaadiidka Boliiska,Xarunta Taraafikada,Akadeemiyada Janaraal Kaahiye, saldhiga ciidanka Boliiska degmada Xamarweyne, waxaana ujeedka kormeerka uu ahaa xaqiijinta howlaha ciidanka iyo dhiirigalinta ciidanka.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa waxaa kormeerkiisa ku weheliyay xeerbolis1 ilaaliyaha guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Daahir iyo saraakiil kale ayaa goobaha ay booqdeen waxaa ka mid ahaa saldhiga degmada Xamarweyne waxana ay kuurgaleen qaabka shaqada ay u socoto.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne iyo taliyaha saldhiga degmadaasi ayaa faah faahin ka siiyay howlaha saldhiga iyo sida bulshada ay isugu xiranyihiin taliyaha iyo xeer ilaaliyaha.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ku dheeraaday ka hadalka muhiimada ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo waajibaadka Shaqo ee laga doonayo, wuxuuna amar ku bixiyay in ciidanka inta ay ku guda jiraan howlaha shaqo aysan cuni karin Qaadka, cidii lagu arkaana ay wajaheyso ciqaab adag, askarta ayuu ugu baaqay in ay u naxaan dadka shacabka ah xiliyada ay ku guda jiraan howlagalada islamarkaana ay gudbiyaan dadka waayeelka ardayda.

“Waxaan qorsheynay anagoo ka duuleyno dib u dhiska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed in aan qaadano arday ka baxday dugsiyo sare oo loo dirayo koorso kuwaa oo soo noqonaya saraakiil oo hadda keensanaya codsiyadooda” .ayuu yiri taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ammaanay sida uu u shaqeeyo saldhiga ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee degmada Xamarweyne oo uu sheegay in muhiimad gaar ah ay ugu fadhiso degmadani dadka Soomaaliyeed, islamarkaana ay soo dhameytirayaan waxyaabaha muhiimka u ah howsha saldhiga.

“Degmadani waa degmo qadiim ah oo dhaxal noo ah kana bilaabatay dhismaha caasimada, waxaan ku baaqayaa in aan la burburin lagana dhaafo burburinta taa badalkeeda la dayactiro, waxaan aad ugu naxay islamarkaana aan ka xumaaday masaajidkii Arbaca Rukun oo la burburiyay” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha qaranka.

Ugu danbeyntii kormeerka taliyaha taliyaha uu ku tagay qaar ka mid ah xarumaha ciidammada booliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa dhiiragelin ah u ah ciidamada, taasi oo ay soo dhaweeyeen ciidamada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!