Taliyaha ciidamada Uganda oo tagay degmada Baraawe

by wadani | Friday, Jan 6, 2017

Baraawe : HN :-Taliyaha Milaterigga Wadanka Uganda General Katumba Wamala oo maalmahaan ku sugnaa dalka ayaa booqasho ku tegay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Booqashada Gereral Wamala ayaa waxaa ku  weheliyay Taliyaha Howlgalka AMISOM Gen Osman Nur Soubagle,Saraakiil Soomali ah iyo kuwa Ugandese ah.

Wafdigan ayaa waxa ay u kuurgalayeen xaaladda Ciidamadda Soomaliyeed iyo kuwa Uganda ee ka howlgala aagas, iyagoo ku dhiirigeliyay kuna amaanay sida ay nabadda iyo xasiloonida ugu soo celiyeen deegaanadaas.

Mas’uuliyiintu waxay ka dhageysteen warbixin Saraakisha Ciidamadda Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo ka warbixiyay wada shaqeynta Ciidamadda huwanta ah iyo howgalada ay ka wadaan gobolka  Gobolka shabellaha hoose.

General Katumba Wamala ayaa Ciidamadda Soomaliyeed ku amaanay sida ay dalkooda u difaacan isagoo ku bogaadiyay inay mar walba xasuustaan inuu dalka Soomaliyeed amnigiisa ay si buuxda Soomalidda kaliya ku hanan karto. wuxuuna sheegay in Dowladda Uganda ay mar waliba taageereyso sidii Ciidanka Soomaliyeed ay u gaari lahaayeen isku filnaasho loogana maarmo joogitaanka Ciidanka AMISOM;

“Xalka dalkaan wuxuu ku jiraa gacanta walaalaheena Soomaalida waxaan ku dadaaleeynaa inaan idin taageerno si walboo ay noqotaba balse waxaana idinka rajeynayaa inaad muhimaad gaar ah dhaaman aad siisaan sugidda amniga iyo xasilinta dalka” ayuu yiri General Katumba Wamala.

Taliyaha Ciidamadda Uganda ayaa kulamo la qaatay Maamulka degmada Baraawe iyo qeybaha kala duwan ee bulshada wuxuuna qiray horumarka ka muuqda Baraawe oo ka mid ah degmooyinka ugu bilicda wanaagsan dalka Soomaaliya iyadoo ku taal xeebta badweynta Hindiya.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!