Taliyaha ciidamada xooga dalka oo sheegay in gobolka Sh/dhexe oo idil laga saarayo Al-shabaab

by admin | Sunday, Oct 5, 2014

Indha-qarshe (1)Muqdisho : HN :– Taliyaha ciidammada xoogga dalka Soomaaliya  Gen Daahir Aadan Cilmi Idha-Qarshe  ayaa sheegay  in Al Shabaab kasaarin doonan deegaannada ay uga harsan yihiin gobolka Shabeelllaha dhexe.

Guddoomiyaha degmada Cadalle  Muxudiin Macalin Yuusuf oo hadal jeediyay kaddib markii uu halkaa booqday taliyaha ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in maraba uusan hakan doonin howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxa uu sheegay si la isku raaciyo howlgalka oo ciidamada Shabaab looga saaro Gobolkaasi in muddo saddex cisho gudahooda Shabaab looga saaraayo Gobolka Shabeelaha dhexe meelaha ay kaga sugan yihiin.

Indha Qarshe, ayaa tilmaamay in ciidamada iminka ay kusii jeedaan Aadan Yabaal iyo Rumirgood oo Shabeellaha dhexe ka tirsan iminkana ay ku sugan yihiin Xoogaga Al Shabaab.

Taliyaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka ayaa booqday shalay oo Sabti aheyd Degmada Cadale oo kamid ah dhulkii ugu dambeeyay ee ciidamada Huwanta ay gaaraan, marka laga hadlaayo Gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada huwanta ayaa xalay howlgalo amniga lagu xaqiijinaayay ka sameeyay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe sida uu Idaacada VOA u sheegay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Cali Guudlaawe, inkastoo uusan sheegin cid howlgalkaasi lagu soo qab-qabtay.

Hiiraan Net. 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!