Taliyaha guud ee ciidammada Jabuuti oo tagay degmada Buula-burte

by admin | Thursday, Feb 19, 2015

Buula-burte : HN :– Taliyaha guud ee ciidammada Jabuuti Jen Zakariye Sheekh Ibraahim oo maanta booqday magaalada
Beleweyne, ayaa uga sii gudbay degmada Buula-bure oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan ciidammada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Taliyaha waxaa safarkiisa degmada Buula-burte ku wehlinayay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax iyo taliyaha guutada 10-aad ee ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed Col Towane Axmed Gureey, waxaana uu halkaa kulamo kula qaatay saraakiisha ciidammada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxgaradkii ay kulmeen Jen Zakariye ayaa u sheegay in dhibaatada ugu weyn ee ka jirta degmada tahay xirnaashaha2015219635599378347782868Taliyaha_Ciidamada_Jabuuti_5 dhamaanba jidadka soo galla, iyaga oo dalbaday in sidda ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto arrintaa iyada ah.

Taliyaha guud ee ciidammada dalka Jabuuti Jen Zakariya ayaa ku amaanay ciidammada Jabuuti ee ku sugan degmada iyo kuwa dowladda Soomaaliya sidda ay uga qeyb-qaadanayaan xoojinta ammniga, waxaana uu dhinaca kala sheegay in marka ay soo dhameystirmaan qeybta labaad ciidammada dheeraad ka ah ee la soo dirayo dhamaanba leysku furi doono gobolka
intiisa kale.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax ayaa dhiniciisa uga mahad celiyay dowladda Jabuuti is bar bar taaga ay u muujineysa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaa uu bogaadiyay howllaha ciidammada Jabuuti ay ka hayaan gobolka iyo sidda ay uga qeyb-qaadanayaa adkeynta ammniga iyo dagaallka ka dhanka ah Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!