Taliyaha ugu sareeya booliiska AMISOM oo gaaray Beledweyne

by admin | Saturday, Jan 31, 2015

Beledweyne : HN :- Taliyaha ugu sareeya ciidamada Booliiska AMISOM ee Somalia iyo saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ayaa maanta booqday Beledweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan.

Markii ay soo gaareen magaalada ayeey kulamo albaabada u xiran yihii waxaa ay la qaateen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka, C/fataax Xasan Afrax.

Kulanka kaddib waxaa warbaahinta wadda jir ula hadllay guddoomiyaha maamulka gobolka iyo taliyaha guud ee ciidamada booliiska AMISOM2015131635582951411829558SDC10026 oo faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka wadda hadleen.

C/fataax Xasan Afrax, ayaa sheegay in ujeedada socdaalka wafdiga tahay siddii ay wax badan uga ogaan lahaayeen qaab-dhismeedka booliiska gobolka Hiiraan, isaga oo intaa ku darran in ay ka wadda hadlleen tayeeynta ciidammada booliiska maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan oo hadda dhismahoodu meel wanaagsan marayo.

Intaa kaddib saraakiisha ka socotay booliiska AMISOM ayaa u dhaqaaqay kormeer ay ku sameyeen xarumaha ciidammada iyaga oo ku soo wareegay saldhiga booliiska oo ay warbixino kaga dhageysteen saraakiishii ku sugneyd.

Sidoo kale, wafdiga ayaa booqday xarun lagu tababarayay ciidammo la fillayo in ay ku biiraan booliiska maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan, waxaana ay ballan-qaaadeen in ay tababarka ka taageeri doonaan wixii baahi ah ee marka jira.

Socdaalka wafdiga ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay ku booqdaan magaalada Beledweyne, , waxaana uu ku soo beegmay xili maamulka gobolka ku howlan yahay dib u dhis lagu sameeynayo qeybaha kala duwan ee ciidammada, gaar ahaan kuwa booliiska.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!