Taliyayaasha ciidammada difaaca Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kulmay

by wadani | Wednesday, Dec 23, 2015

Muqdisho : HN :– Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Maxamed Aaden Axmed oo ay wehlinayeen taliyeyaasha ciidamada cirka iyo badda, ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay abaandulaha guud ee ciidamada Talyaaniga, Jen. Claudio Graziano oo booqasho maalin ah ku yimid Muqdisho.

Kulankan ka hor ayuu abaanduuluhu wuxuu lasoo kulmay RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo RW ku xigeenka, Maxamed Cumar Carte, iyadoo Sharma’arke uu u sheegay abaanduulaha inay Somalia si weyn uga filayso dowladda Talyaaniga waxqabad ballaaran oo wax-tar leh.

20151223635864519491074355IMG_4194Sidoo kale, Jen. Diini oo kulan albaabbadu u xiran yihiin la qaatay wafdiga ayaa xusay in booqashadani ay sii xoojin doonto taageerada dawladda Talyaanigu ay siiso ciidamada xoogga Somalia. Sidoo kale, waxaaa kulanka looga wada-hadlay xiriirka laba geesood, kobcinta iskaashiga labada waddan, taageerida ciidamada xoogga dalka, la-dagaalanka argagaxisada iyo qodobbo kale.

“Maanta waxaa nagu soo booqday Muqdisho abaandulaha guud ee ciidamada Talyaaniga, Jen. Claudio Graziano. Waxaa dalka Talyaaniga nagala dhexeeya iskaashi iyo xiriir qoto-dheer. Waana soo dhaweynaynaa sida ay noogu garab-taagan yihiin dadaalka Somalia lagu xasilinayo. Sidoo kalena waxaa lagama maarmaan ah in mar walba uu hadafkeennu ahaado inaan sii xoojinno xiriirka labada dal maadaama aan nahay labo dal oo saaxiibbo ah oo aan kala maarmin,” ayuu yiri Jen. C/qaadir Diini.

Dhinaca kale, taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Maxamed Aaden Axmed oo isna hadlay ayaa sheegay in dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay guulo laga gaaray dhismaha ciidamada xoogga Soomaaliya, iyadoo hadda deegaano badan oo horay Al-shabaab ugu sugnaayeen dibna loogu qabsaday, taasoo ka dhigan in ciidanku ay u heelan yihiin difaaca dalkooda, loona baahan yahay in la siiyo taageero dhamaystiran.

Ugu dambeyn, Abaandulaha ciidamada dalka Taliyaaniga Jen. Graziano ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu soo booqdo Muqdisho, Wuxuuna xusay in socdaalkiisa Muqdisho uu ku yimid ay ka dambeesay iskaashiga ballaaran oo dhex-maray labada dawladood, gaar ahaan wasaaradaha Difaaca Talyaaniga iyo Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!