Taliye ciidan oo lagu dilay magaalada Berbera ee maamulka Soomaaliland

by wadani | Thursday, Dec 17, 2015

Berbera : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Berber ee maamulka Soomaaliland ayaa sheegaya in halkaa lagu dilay taliye ciidammada birmadka gobolka Saaxil.

Sida ay sheegayaan wararka Taliyahan ayaa lagu magacaabayay xiBerberadigle Aadan Guuleed Dahir, waxaana dilkiisa ka dambeeyay askari kale oo xabsiga la dhigay.

Mas’uuliyiinta Berbera ayaa sheegaya in wali aan la ogeyn sababta ka dambeysay dilka, hase ahaatee ay wadaan baaritaan.

Shacabka Berbera ayaa arrintan aad u hadal haya, waxaana ay is weydiinayaan sababta ku kaliftay askariga inuu toogto Taliyaha.

Dhacdooyinkan ayaa muddooyinkan soo kordheysay Somaliland in askar ay disho Taliyeyaashooda, iyadoo dhowr bilood ka hor la dilay Taliyeyaal ciidan oo ka tirsan ciidamada Somaliland.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!