Taliye cusub iyo ku-xigeen loo magacaabay booliiska dalka Kenya

by admin | Thursday, Jan 1, 2015

Nairobi : HN :–Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta taliyaha guud ee booliiska dalka Kenya u magacaabay, Joseph Kipchirchir Boinett, isagoo bedeli doona taliyihii hore ee booliiska Kenya, Jen. David Kimaiyo.

Boinnet ayaa la sheegay inuu yahay xeel-dheere dhanka booliiska ah, isla markaana haysta laba shahaado oo Master ah, kuwaasoo mid ka mid ah uu ka qaatay jaamacad Australia ku taalla, halka tan kalena uu ka qaatay Jaamacad ku taalla dalka Mareykanka.

“Waxaan hubaa in Boinnet uu yahay mas’uul wax weyn ka qaban kara amni-darrada jirta, waayo waa shaqsi aqoon badan u leh howlaha amniga iyo sidoo kale arrimaha booliiska,” ayuu yiri madaxweynaha Kenya, Kenyatta oo ka hadayay xafladdii uu ku magacaabayay.

Sidoo kae, wuxuu sheegay in Boinett uu leeyahay khibrad 30 sano ah oo kala ah mid heer Qaran ah, mid heer gobol ahMadaxweynaha_Kenya_Kenyatta iyo sidoo kale mid caalami ah, uuna yahay ruux kasoo bixi kara howsha loo xil-saaray.

Taliyaha cusub ee booliiska Kenya, Boinett oo 52-jir ah ayaa la sheegay inuu booliiska ku biiray sannadkii 1984-kii, isagoo howshaan ka gaaray illaa agaasimaha guud ee booliiska dalka Kenya.

Waxaa la sheegay inuu sannadkii 1998-kii u wareegay dhinaca nabadsugidda dalka Kenya, halkaasoo muddo fog ka shaqeynayay, iyadoo madaxweynaha Kenya uu sheegay inuu u doortay inuu u dhiibo xilka taliska booliiska Kenya.

Dhanka kale, Kenyatta ayaa taliye ku xigeenka booliiska Kenya u magacaabay, Samuel Arachi isagoo ka hoos-shaqeyn doona taliyaha guud ee booliiska Kenya, wuxuuna xusay inuu ku kalsoon yahay inay taliyahan iyo ku xigeenkiisu ay wax weyn ka bedeli doonaan amniga Kenya.

Ugu dambeyn, taliyihii hore ee booliiska Kenya, Jen. David Kimaiyo isna loo magacaabay guddoomiyaha garoonka diyaaradaha dalka Kenya, halkaasoo uu ka shaqeyn doono, sida uu sheegay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Si kastaba ha ahaatee, magacaabidda taliyaha booliiska Kenya ayaa waxaa goob-joog ka ahaa, wasiirka cusub ee arrimaha gudaha dalka Kenya, Joseph Nkaissery iyo dhanka kale guddiga amniga u qaabilsan baarlamaanka dalka Kenya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!