Taliye ka tirsanaa dowladda oo la dilay

by wadani | Saturday, Jul 15, 2017

Qansaxdhere : HN :-Taliyihii Ciidamada Milateriga ee degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay ayaa maanta lagu dilay qarax miino oo lala eegtay gaari uu saarnaa.

Taliyaha ayaa lagu magacaabayay Col. Cumar Macalin Xasan, waxaana dilkiisa uu ka dambeeyay markii miino wadada dhinaceeda la dhigay lala eegtay gaarigii uu saarnaa.

Qaraxa lala eegtay gaariga Taliyaha ayaa waxaa daba socotay weerar ay koox ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen kolonyada uu la socday Taliyaha.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha iyo kolonyada uu la socday jidka loo galay, inta u dhaxeysa degmada Qansaxdheere iyo garoonka diyaaradaha degmadaas.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dilka Taliyaha iyo labo askari, sida lagu baahiyay baraha Internet-ka ee taageera.

Degmada Qansaxdheere ayaa ka mid ah degmooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab, iyagoo jaray waddooyin gala degmadaas, waxaana degmadaas ay sahayda iyo saanada ciidanba ku tagtaa diyaarad.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!