Taliye ku-xigeenka booliiska Soomaaliyeed Jen Mukhtaar oo gaaray Beledweyne

by admin | Saturday, Sep 12, 2015

Beledweyne : HN :–Taliye ku-xigeenka ciidammada booliiska Soomaaliyeed  Jen Mukhtaar Xusseen Afrax iyo wafdi u horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga taliye ku-xigeenka waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cabdifataax Xasan Afrax iyo Saraakiisha Ciidanka Booliiska Gobolka Qaarkood.

Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo warbaahinta kula hadllay xarunta maamulka gobolka ayaa ku soo sheegay safarkooda mid la xiriira

DCIM100MEDIA

siddii ay ugu kuur-gali lahaayeen xaalada nabad-galyo ee guud ahaan gobolka, gaar ahaan magaalada Beledweyne, isaga oo intaa ku darray in mudada ay joogaan kulamo kala duwan la qaadan doonaan mas’uuliyiinta maamulka, saraakiisha ciidammada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Huddoomiyaha oo dhinaciisa hadal jeediyay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ku faraxsan yihiin wafdiga maanta soo gaaray, islamarkaana mudada ay joogaan ka wadda hadlli doonaan arrimo dhowr ah oo la xiriira xaalada nabad-galyo shaqada ciidammada booliiska gobolka Hiiraan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!