Taliye ku-xigeenkii saddexaad ee booliiska Puntland oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray

by wadani | Friday, Dec 16, 2016

Boosaaso : HN :- Taliye kuxigeenkii saddexaad ee Ciidamada Booliska dowlad gobolleedka Puntland Jaamac Saxar-diid ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar dabley hubeysan shalay ku qaadeen gudaha magaalada Boosaaso

Dhaawaca weerarka kas oo gaaray taliyaha ayaa ahaa mid aad u culus, iyadoo markii dambe dhaawac uu ugu geeriyooday Isbitaalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa xaqiijiyay geerida Taliyaha, iyagoo sheegay inay aqoonsadeen cidii ka dmabeysay, balse ma aanay magacaabin.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday Taliye kuxigeenka, iyadoo ku eedeysay in Sarkaalkan uu ka mas’uul ahaa howl galo dad badan lagu raafay oo ka dhacay deegaanada Puntland.

Magaalada Boosaaso ayaa horay waxaa lagu dilay saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin, waxaana mas’uuliyada dilalkaas horay u sheegatay Al-Shabaab.

Ugu danbeyntii, maamulka Puntland ayaa dagaalo kula jira Xoogaga Al-Shabaab iyo Daacish oo dhowaan laga saaray degmada Qandala oo markii u horeysay la wareegeen.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!