Taliyihii ciidammada nabad-sugida iyo ku-xigeenkiisii oo xilalka laga qaaday

by admin | Thursday, Feb 12, 2015

Muqdisho : HN :–Warar laga helayo xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in taliyihii nabad-sugida gobolka Banaadir iyo ku-xigeenkiisa xilalkii laga qaaday, iyadoo lagu badalay shaqsiyaad cusub oo horay xilal amni u soo qabtay.

Wararku waxaa ay sheegayaan taliyihii ciidammada nabad-sugida gobolka Banaadir  Col. Maxamed Aadan Jimcaale Koofi oo xilkan loo magacaabay sanadkii 2013 ayaa lagu bedelay C/xakiin Farey oo horay uga tirsanaa Taliska Nabadsugida.

C/xakiin Farey ayaa sidoo kale waxaa uu horay u soo noqday taliyihii Ciidanka ilaalada Madaxweyne Xasan Sheekh, markii la magacaabay, inkastoo muddo kadib xilkaas laga qaaday.

Sidoo kale waxaa iyana xilka laga qaaday taliye kuxigeenkii nabadsugida gobolka Banaadir C/fataax Shaaweeye, waxaana booskiisaKoofi-iyo-Shaaweeye lagu bedelay nin lagu magacaabo Maxamed Xasan oo lagu naaneyso Faran-faro.

C/fataax Shaaweeye ayaa saameysay magacaabida xilka taliyaha nabad-sugida gobolka Banaadir C/xakiin Farey, kaasoo ay isku heyb yihiin.

Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir ee la badalay Maxamed Aadan Koofi ayaa bilihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Belgium oo ay qoyskiisa u degan yihiin, waxaana warar lagu baray baraha Internet lagu sheegay in uu iska dhiibay, balse mar dambe ay warkaas beeniyeen nabadsugida Gobolka Banaadir.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Col. Koofi loo dhiibay xil kale oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugida Qaranka, inkastoo aanu helin jagada saxda ah.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!