Taliyihii ciidammada Uganda oo beeniyay xatooyo lagu eedeeyay

by admin | Friday, Nov 14, 2014

Kampala : HN :–Col Benson Olanyo oo ahaa taliyihiin ciidamada Uganda ee qeybta ka ahaa howlgalka AMISOM ayaa iska fogeeay eedeymo ku saabsan inuu iibsaday shidaalka AMISOM, markii la horkeenay Khamiistii shalay ahayd maxkamad milateri oo ku taalla magaalada Kampala.

Lt-Col. Benson Olanya pp 52-jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu iibsaday 720 oo liitar oo shidaal ah, iyadoo eedeyntiisa lagu sheegay in 420-liitar uu markii hore xaday, kaddina uu xaday 300 oo liitar, kuwaasoo loogu talo-galay sida eedeynta lagu sheegay in adeegsado howlgallada ka socda Soomaaliya.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee milateriga Uganda, Martial Jen. Levi Karuhanga ayaa sheegay in Olanya uu isticmaalay shidaalka loogu talo-galay howlgal wadajir ah oo ay sameyn lahaayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya.

“Allaa igu og waa been warka ah inaan shidaal iibsaday. Shidaalka wuxuu ku baxay howlgal aan wadanjir u waxaa run ma aha inaan iibinCol Benson shidaalka. Waxaan qabtay howlgal wadajir ah oo ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia ay fuliyeen 28-kii July, 2013-dii, markaasoo ciidamadu ay iga codsadeen in aan shidaal siiyo intii howlgalku socday, waxaana siiyay 300 oo liitar,” ayuu yiri Olanya oo sharraxayay sida uu shidaalku ku baxay.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa raaciyay inuu siiyay 420 liitar ciidamada dalka Soomaaliya ee rayid ah; shidaalkaasoo ay u isticmaaleen sida uu sheegay in ay ku shitaan matoorrada dabka siiya saldhiggooda.

“Matoorrada dabka dhaliya ayaa ka damay, waxaana Col. Xasan Kimbowa oo taliyeyaasha ciidanka ka mid ah uu igu wargeilyay in ciidamadaas ay shidaal u baahan yihiin, isagoo iigu daray in haddii aanay helin shidaal ay dhici karto inay saldhigga ka tagaan. Taas ayaana keentay inaan u diro 420-liitar oo shidaal ah si ay matoorrada ugu shitaan,” ayuu mar kale isku difaacay Olanyo.

Dhanka kale, taliyuhu wuxuu xusay in ciidamada Uganda iyo kuwa Burundi ee qaybta ka howlgalka AMISOM ay horay ugu heshiiyeen inay caawiyaan cidamada dowladda Soomaaliya ayna siiyaan wixii ay u baahan yihiin oo hub iyo shidaal ah, si awood ugu yeeshaan inay amniga dalkooda sugaan.

Xeer ilaalinta dacwaddan soo oogay ayaa isaguna maxkamadda u sheegay in 09-kii bishii Juun ee sannadkii hore uu Olanya ku amray ciidamada inay hub siiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, maxkamadda ayaa dib loo dhigay illaa 17-ka Nov, 2014-ka markaasoo lasoo bandhigi doono caddeymo ku filan dacwadda taliyahan loo haysto. Iyadoo taliyaha dib loogu celiyay xabsiga Makindye ee Kampala.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!