Taliyihii ciidanka booliska Soomaaliya oo geeriyooday

by Yahye | Thursday, Oct 30, 2014

Muqdisho: HN;- Allaha u naxariistee waxaa goor dhow  magaalada Muqdisho ku geeriyooday Taliyihii Booliska Soomaaliya Jen Maxamed Xasan Ismaaciil.

 

Taliyihii ciidamada booliska Soomaaliya Gen Maxamed Xasan Ismaaciil ayaa goor dhow ku geeriyooday isbitaalka Ummada ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha uu wadnaha istaagay balse illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliyeed.

General Maxamed Xasan Ismaciil oo ka mid ahaa saraakiishii booliska Soomaaliyeed mudada dheerna ka soo shaqeynayay ayaa horaantii bishii July ee sanadkan loo magacaabay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed kadib markii xilka laga qaaday taliyihii ka horeeyay General Saacid

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!