Rag hubeysan oo toogasho ku dillay taliye ku-xigeenkii laanta socdaalka

by admin | Tuesday, Nov 11, 2014

Bastoolad (1)Muqdisho : HN :– Rag hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay ku dilleen maanta nawaaxiga KM4 ku dilay Taliye ku-xigeenkii waaxda socdaalka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Maxamuud Cabdi caddow (Dhabarey).

Wararka ayaa sheegaya in Sarkaalkan oo watay gaari ay dabley hubeysan gaari ku hor-gooyeen, kadibna rasaas ku furay agagaarka Isgoyska KM4.

Dilkan ayaa ka dhacay wado aad muhiim ah oo ammaankeeda loo ilaaliyo, iyadoo dableydii falkan dilka geystay ay baxsadeen.

Waa falkii labaad oo maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo saaka isku day dil uu ka bad baaday Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo arrintan ka soo saareen saraakiisha ciidamada dowladda mana jirto cid sheegatay dilka.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!