Talyaaniga oo qalab ciidan ku wareejiyey ciidamada Soomaaliya, SAWIRO

by admin | Thursday, Mar 5, 2015

Muqdisho; HN;- Munaasabad maanta lagu qabtay Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho oo ay kaqeybgaleen mas’uuliyiinta ciidamada xooga dalka iyo saraakiil ka socotay dowladda Talyaaniga ayaa ciidamada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Mileteriga lagula wareejiyay gawaari nooca ay ciidamadu isticmaalaan ah kuwaasoo ay ugu deeqday dowladda Talyaaniga.

Gawaaridan oo tiradoodu gaareyso 54 ayaa waxaa loogu talogalay ciidamada Booliska Mileteriga,iyo Nabadsugida waxaana ugu horeyn ka hadlay Bernando Mencaraglia oo ka socday wasaaaradda gaashandhiga Talyaaniga kaasoo sheegay in arintan ay qeyb ka tahay fulinta ballan qaadyo ay dowladda Talyaanigu horay ugu sameysay Soomaaliya.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa uga Mahad celiyay dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso ciidamada Xoogga dalka si dib u dhis loogu sameeyo ciidamada Soomaaliya.

qalab

DSC07915

91

53

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!