Tarsan oo ka digay hab loo waddo hergalinta nidaamka federaaliisam-ka

by admin | Monday, Mar 23, 2015

Muqdisho  : HN :–Max’uud Axmed Nuur Tarsan oo horay u soo noqday guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka digay hirgelinta Federaalka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay mid meesha ka saaraya qaranimada Soomaaliya.

Isaga oo ka qeyb-gallayay barnaamij dood ah oo ka baxayay TV-ga Somali Channel ayuu sheegay in federaalka hada socda uu yahay dowlado qabiil, sidaas darteedna uu keeni karo in hadhow dhibaato ka dhalato.

Tarsan ayaa sheegay in hadii federaalka uu dhaqan galo oo dalka Qabaa’ilada ay sameystaan xuduudo, arinta dhibaatada ka imaan karta ayTarsan2 tahay in hadhoow Maamulada qaar ay ku dagaalamaan xuduudaha, maadaama ay wada hubeysan yihiin.

“Federaalka wuxuu bur burinayaa qaranimadii Soomaaliya ee lixdankii la helay, dhibaato ayay keenaysaa hirgelinta Federaalka, hadii sidan wax ku socdaan”ayuu yiri Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.

Inkastoo dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay dadaal weyn ugu jiraan dhaqan gelinta Federaalka, hadana dadka Soomaaliyeed ayaa ka digaya dhibaatada ka dhalan karta kala qeybinta gobolada dalka ee qaab qabiil la isu raacsiinayo.

Si kastaba ha ahaatee dhowaan ayaa la filayaa in la dhiso Maamulka Gobolada Dhexe ee Soomaaliya, kaasoo ku biiri doona maamul goboleedyada hada dhismaya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!