Tartan kubada cagta ah oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Beledweyne

by admin | Tuesday, Sep 15, 2015

tartan-isboorti-hiiraan-xog-9Beledweyne : HN ;– Waxaa maalintii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Beledweyne Tartan kubada cagta ah oo ay ka qeyb-qaateen kooxo ka kala socday xaafaddaha magaalada Beledweyn, kaa oo lagu maamuusayay doorka ciidammada booliiska ee is-dhax-galka bulshada.

Gab-gabadii tartanka waxaa ka qeyb-gallay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax iyo taliye ku-xigeenka ciidammada booliiska Soomaaliyeed Jen Mukhtaar Xusseen Afrax oo ku sugan magaalada Beledweyne.

Taliye ku-xigeenka ayaa dhalinyarrada kula dardaarmay in ay qeyb ka noqdaan sugida ammniga, lana shaqeeyaan ciidammada booliiska, gaar ahaan waxaa uu sheegay in Sportiga qeyb weyn oo muhiim ah ka qaato is-dhax-galka bulshada iyo soo celinta nabada.

tartan-isboorti-hiiraan-xog-13Ugu danbeyntii guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax ayaa koob guddoonsiiyay kooxdii ku guuleystay tartanka ee ku cayaareysa magaca xaafadda Buund0-weyn iyo kooxdii gashay kaalinta labaad ee ku cayaareysan magaca xaafadda Xaawo-Taako.

tartan-isboorti-hiiraan-xog-3tartan-isboorti-hiiraan-xog-10tartan-isboorti-hiiraan-xog-4tartan-isboorti-hiiraan-xog-11tartan-isboorti-hiiraan-xog-5tartan-isboorti-hiiraan-xog-6tartan-isboorti-hiiraan-xog-14tartan-isboorti-hiiraan-xog-7Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!