Tawane Sabriye oo loo doortay gudoomiyaha qurbo-jooga beesha Xawaadle

by Yahye | Wednesday, Nov 12, 2014

London: HN:- Taariikhdu markay ahayd Sabti, November 08, 2014 Shir  aay yeesheen Guddiga Qurba Joogta Beesha Xawaadle ayay waxay u doorteen Tawane Sabriye Fiidshe Gudoomiyaha Qurba Joogta Beesha Xawaadle. Ujeedada loo dhisay Guddiga iyo Gudoomiyaha Beesha Xawaadle waa in si wada jir ah beeshu u baadi goobto guud ahaan midnimada Qurba Joogta Soomaaliyeed gaar ahaan midninada Qurba Joogta Reer Hiiraan,

tawane1

Tawane Fiidshe

Hadaba gudiga ayaa la filayaa inay kaalin mugg leh ka geystaan nabadaynta iyo dib u dhiska guud ahaan wadankaa Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Hiiraan. Guddiga Qurba Joogta Beesha Xawaadle waxaa uu ka codsanayaa in Beesha Xawaadle la shaqayso Gudiga iyo Guddoomiyaha si loo gaaro hadafka iyo ujeedooyinkii loo doortay.

Gudoomiye Tawane oo ah xeeldheere dhinaca dhaqanka ah si fiicana wax uga yaqaana taariiqda Somalida ayaa helay kalsoonida qurbojoogta beesha Xawaadle, waxaana isaga iyo gudigiisa loogu duceeyey in ilaahay u fududeeyo xilkaa culus ee loo doortay.

Wabilaahi Tawfiiq

Cali Cariish
Guddiga Farsamada

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!