Tirada dhimashada dhul-gariirkii Nepal oo sii korartay

by admin | Monday, Apr 27, 2015

Nepal : HN :–Khasaaraha dhimashada dhul-gariirkii baaxada lahaa ee dhuftay dalka Nepal ayaa sii korartay saacadihii ugu danbeeyay, iyadoo ay socdaan taageero caalami ah oo lagu baadi goobayo dad badan oo la la’yahay, iyadoo dalal badan oo caalamka ka socda ay u direen Kooxaha gurmadka deg dega.

Wararku waxaa ay sheegayn inn ka badan 3,700 oo ruux ayaa ay ku geeriyoodeen y dhul gariirka cabirkiisu ahaa 7.8, kaasoo gebi ahaanba bur bur xoogan u geystay dhismayaal taariikhi ahaa oo ku yaala magaalada Kathmandu.

Dhul gariirkan ayaa saameeyay 35 ka mid ah 75 degmo ee uu dalka Nepal ka kooban yahay, waxaana uu saameeyay ilaa 30-milyan oodhul-gariir-51 ruux oo ku noolaa dalkaas.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa gar gaar waxay buuraha dad saaran ugu geynayaan sahay, waxaana la sheegayaa cimilada oo maanta xumeyd awgeed ay meelaha qaar adkaatay dadaaladii gurmadka ee socday.

Mareykanka, Britain, Japan, Shiinaha iyo dalal kale ayaa u diray dalkaas shaqaalaha gurmadka deg dega, si ay uga qeyb qaataan baadigoobka loogu jiro dadkii ku waxyeeloobay dhul gariirka, waxaana jira dad laga soo dhex saaray dhismayaasha hoostooda.

Dalka Nepal ayaa ahaa dal taariikh ku lahaa dhismayaal qarniyo dhisnaa, waxaana dalkaas uu dalxiiska ka helaa dhaqaale aad u fara badan

Waa dhul gariirkii ugu xooganaa ee dalkaas ka dhaca muddo 81 sano ah, iyadoo dhul gariirkii ugu cuslaa ee dalkaas soo maray uu dhacay sanadkii 1934, waxaana xilligaas ku dhintay 10-kun oo qof.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!