Tirada dhimashada weerarkii Ismiidaaminta ee Baydhabo oo sii korortay

by admin | Saturday, Dec 6, 2014

Baydhabo : HN:– Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa sheegaya in sii korartay tirada dadkii ku dhintay weerarkii ismiidaaminta ahaa maqribnimadii xalay ka dhacay magaalada waxaana la leeyahay dadka dhintay waxaa ay gaarayaan ilaa 16 ruux.

Dadka ku dhintay weerarkii xalay waxaa ka mid ahaa labo wariye oo ka howlgali jiray qaar ka mid ah TV-yada Soomaalida, siddoo kalana waxaa siyaabo kala duwan ugu dhaawacmay ilaa afar wariye.

Marka laga eego suxufiyiinta wax yeellada ka soo gaartay weerarkii ismiidaaminta xalay ee Baydhabo ka dhacay waxaa la oran karaa waaJokar tiradii ugu badneyd oo mar kaliya hal meel khasaare intan la eg uu ku soo gaaro.

Guddoomiyaha gobolka Bay oo warbaahinta kula hadlay Isbitaalka guud ee Baydhabo ayaa xusay in dhaawacyada daran loo qaadi doono Muqdisho si halkaas loogu daweeyo, iyadoo diyaaradda lagu qaadayo uu kireeyay sida uu sheegay madaxweynaha maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dadka reer Baydhabo ayaa siweyn u hadal haya sidda uu weerarka u dhacay , madaama la sheegay in qaraxa hore uu geystay qof dhalinyarro ah oo walxaha qarxa isku soo xirray kaasoo ka hor inta uusan is qarxin soo fariistay maqaaxida kaddibna ka dalbaday Shaah, isaga oo iska dhigaya qof caadi ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!