Tirada muhaajiriinta u socdaasha Yurub oo sii korartay

by admin | Wednesday, Jun 10, 2015

Roma : HN :–Ururka midowgga Yurub ayaa wax lala yaabo ku tilmaamaya korarka dadka tahriibayaasha ah ee ka soo gudbaya badda mediterraneanka,waxaana siyaaday tirada dadka.

War ka soo baxay laba hay’adood oo caalami ah ayaa sheegay in tirada muhaajiriinta ee Yurub tagay ay illaa hadda kor u dhaafeen 100,000 sannad gudihiis.

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo hay’adda caalamiga ah ee socdaalka adduunka ayaa bixiyey tirooyin isku midTahriibayaal_la_badbaadiyay_Italy ah oo muujinaya qaxootiga gaaray Talyaaniga iyo Giriigga, halkaas oo ay inta badan muhaajiriintaasi ka dhul bilaabeen.

Hay’dda caalamiga ah ee socdaalka Adduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano IOM, waxay sheegtay in tiradaas ay muujinayso xoogaa sare u kac ah marka la barbar dhigo, isla wakhtigaas sannadkii hore, oo muhaajiriintu ay badnaayeen, laakinse waxaa la filayaa in dadka badda ka gudbaya ay sii bataan bilaha soo socda.

Dadkan ayaa ka taga inta badan dalalka ay dagaallada iyo gaajadu ka jirta,waxaana ay marka sheegtay inay dhibaatooyin ammaanka ah ama nolal xumo ay ka soo tageen.

Maraakib ka tirsan kuwa Midowga Yurub ayaa maalmihii dambe billaabay dalka Liibiya inay ku celiyaan kumaan qaxooti ah kuwaaso ku safrayay doomo,maaddama ay siyaaday dadka tagaya Yurub.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!