TIRADA SOOMALIDA QABTA CUDURKA HIV/AIDS OO SII KORDHAYSA, SABABAHA KEENAY? WQ: Hodan Rashid, Q:2aad

by admin | Friday, Aug 24, 2012

Baaritaan iyo xog aruurin badan oo aan sameeyay si aan Su’aashan si Cilmiyaysan uga jawaabo  ayaa waxaan helay qodabo laf dhabar u ah faafida cudurkan Dalka iyo dadka Soomaaaliyeed.  Intaanan si qoto dheer u sii guda gelin Fadlan aan isla aragno qaababka Cudurkan laiskugu gudbiyo oo lagu soo kobo Seddex qaabood.

  1. In Galmo lagu kala qaado
  2. In la iskugu gudbiyo walxaha mudaca leh  sida Sakiinta, oo lala isticmalo Qof qaba Cudurka, iyo in Qof Cudurka qabo Dhiigiisa lagu shubo Ruux Caafimad qaba.
  3. In Hooyada  Uurka lihi ugudbiso Cuniga Caloosheeda ku jirto, marka ay dhalayso iyo xiliga Naas Nuujinta.

Si aan Bulshada ugu iftiimino sababaha keenay inuu cudurkan ku fido Umada Soomaliyeed ayaa waxaa aragnayinay 5 arimood asal u yihiin , kuwaas oo kala ah:

  1. Aqoon la’aan Umaddeena ka haysato Viruska HIV/AIDS.
  2. Wadamada deriska la’ah Somalia oo laga soo dhoofiyo cudurkan.
  3. Wadamada Dadka soomaaliyeed ay u qaxeen.
  4. Qaadka.
  5. Ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ku sugan.

Waa qodabo run ahaantii la dhihi karo waxay si toos  ama si dadban uga qaybqaateen faafitaanka Virus kan guddaha  Dadka Soomaaliyeed. si aan u ogaano saamayntooda intay la’eg tahay  ayaa waxaan si gooni-gooni ah  hoos ugu sharaxnay qodob walba.

1.      AQOON LA’AANTA UMADDEENA KA HAYSATO VIRUSKA HIV/AIDS

Wixii ka horeeyay Sanadkii 2000, Soomaalida Aqoon qoto dheer uma lahayn Cudurkan, kasokow Jaahilnimada ka haysatay Cudurkan, waxaa ka sii darnayd inaysan umuuqan xitaa inay Aaminsanaayeen Virus kan inuu jiro ,laakiin markii la arkay Soomaali badan oo looga shakisnaa in ay qabeen virus kan oo Geeriyooday ayaa Dadka  bilaabeen inay aaminaan.

 Qofka marka uu Cudurka Aqoon uleeyahay ayuu iska ilaalin karaa laakiin haduusan kasokow Aqoon ulahaaanshihii, uusan xitaa Aamin sanayn Cudurkaa inuu jiro, iska ilaalin mayo, taana waxay sahashay inay Dad badan qaadaan HIV/AIDS, Tusaale ahaan Timojareyaasha ku yaalo Soomaaliya inta isticmaalka Makiinadaha Timaha lagu jaro aysan bilaabin waxay isticmaali jireen Maqas,Maqaskaa oo ay  Timaha ku jari jireen iyo Sakiinta oo ay u isticmaali jireen qoorxiirka ,inkastoo ilaa iyo hadda meelo qaar oo Soomaaliya ka tirsan laga isticmaalo , waxaa laga yaabay in Hal Sakiin ay ugu qoorxiiraan in kabadan hal Qof, Qofka loogu xiirayo hadduu Aqoon ulahaan lahaa inuu Cudur HIV/AIDS layirahdo uu jiro, kaa oo lagu kala qaado Sakiimaha oo la isla wadaago iwm, waxaa hubaal ah inuu Qofkaa ka foojignaan lahaa.

                2.      WADAMADA DERISKA LA’AH SOMALIA OO LAGA SOO DHOOFIYO CUDURKAN.

Soomaaliya waxaa Deris la’ah Afar (4) Wadan oo kala ah KENYA, ETHIOPIA, DJIBOUTI, iyo Yemen oo xata Badda kala deris ah. Wadamadaa aan soo xusnay markan barbardhigno Soomaaliya, dhamaantood xaddiga cudurkan saa’id ayay uga sareeyaan.

 Haddii aan dib umilicsano Cilmi baaristii ay sida wada jirka usoo sareen Hay’adaha USAID,iyo WHO waxay sheegtay in Dadka Soomaaliyeed ee qaba Virus ka HIV ee ku sugan gudaha (Somaliland, Puntland iyo Koonfur-dhexe)  xaddiga ama numberka ugu badan ay yihiin Darawalada kaxeeya Gawaarida isaga goosho Soomaaliya iyo Wadamada deriska la’ah ee Ethiopia, Kenya, Djibouti  ay  boqolkiiba soomalida qabto HIV/AIDS  ka yihiin  (37%), taa waxay cadaynaysaa in rate ka ugu badan ay yihiin Darwalada ayagoo cudurka ka keeno  ama kasoo dhoofiyo Wadamada jaadka la’ah Soomaaliya, ayagoo siyaabo kala duwan ku soo qaado, ayna ubadantahay Galmo ay layeeshan Hablaha Jirkooda Ka Ganacsado  ee ay ka helaan wadamadaa.

3.      Wadamada Dadka Soomaaliyeed  u qaxeen.

Burburkii Dowladdii kacaanka kadib, Soomaaliya waxaa ka qarxay Dagaalo Sokeeye oo u dhaxeeya Qabaailada Soomaaliyeed, taas oo Dadka Soomaaliyeed u horseeday Burbur iyo Barakac.

Inta badan Dadkii awooday inay wadanka ka qaxaan waa ay ka qaxeen, in tiradaa kabadana waxay qaxooti ku niqdeen dalkoodii hore.

 Warbixin ay soo saartay Hay’adda UNHCR( January  2012) ayaa waxay cadaysay in 985,051 Qaxooti Soomaaliyeed ay ku jiraan Xeryooyinka Qaxootiga ee ku kala yaal wadamo ka tirsan  Bariga Afrika (east Africa) halkaana ay dhibaato ku haysato qaxootigaa soomaaliyeed wadamada ay ku kala jiraan waxay kala yihiin Kenya, Ethiopia, Eritrea, Djibouti, Tanzania, Uganda iyoYemen oo Asia ah.

Warbixintaa waxay kaloo qeexday in Soomaalida ay yihiin wadanka seddexaad ee ugu Qaxootiga badan Caalamka, halka kuwa Koowaad iyo Labaad lakala geliyay (Afghanistan iyo Ciraaq) .

Soomaalidii usoo barakacday dalalka Shisheeye waxay kala kulmeen dhib fara badan, tan ugu xumeedna ay qabsatay dadka dan yarta ah oo xitaa awoodi waayay inay wadanka uga qaxaaan gaari kuwo ayaga kamid ahna lagu Kufsaday Xuduudka Kenya ayagoo Lug uga gudbayay Xuduudka sida ay sheegtay hay’adda UNHCR, Qaxootigaa marka ay gaaran wadanka ay kusii socdeen ayaa waxaa soo foodsaara olol Rafaad iyo Dhibaato badan xambaarsan oo ay xataa ay gaaraan heer ay awoodi waayaan maalintii inay labo waqti keliya ay quutaan, taas oo ku kelifto inay raadsadaan Booyaasinimo, kuwii waayana ay bilaabaan inay Tuugsadaan qaar kalena ay Jirkooda ka ganacsadaan sida ay qortay Jariidada wararka ee Reuters iyadoo qaasatan ka hadlaysay Qaxootiga Soomaliyeed eek u nool wadanka Yemen.

Kuwa kale ee u qaxo wadamada Bariga Africa ayaa ayagana waxay lakulmaan nolol foolxun oo si lamid ah kuwaa Yemen ku kalifto inay jirkooda ka ganacsadaan. waxbixin ay sanadkan bilowgiisa lagu daabacay website laga leeyahay Kenya ayaa cadad looga dhigay Kenyan Prostitutes Pushed Out Of Business By Somalis, Eritreans and Ethiopians , warbixintaa ayaa lagu sheegay in gabdhihii soomaliyeed ay ku biireen Ganacsigan.

 isku soo wada duuboo wadamadan ay u qaxeen Soomaalida ayaa waxay noqdeen kuwo nolol adag ay kala kulmeen, taas oo si toos ama si dadbanba  u dhaxalsiisay inay qaarkood qaadaan cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS.

 4.      Qaadka (Khaadka)

Qaadka ayaan sidaan kor ku xusnay kaalin ka qaato fiditaanka Cudurkan qaasatan soomaaliya, maadaama la yirahdo boqolkiiba 70% dhallinyarada soomaaliyeed ee Qaan gaarka ah waxay isticmaalaan mukhaadaraadka Qaadka.

Sida lagu qeexay warbixintii ay si wada jirka usoo saareen UNAID, WHO (2010), ayaa waxaa lagu sheegay in Dadkii Cilmibaarista Soomaaliya lagu sameeyay ay ka mid ahaayeen Dadka Qaadka Iibiya, waxaana cudurka HIV laga helay boqolkiiba 21%  ayagoo noqday dadka labaad ee ugu tirada badan, taa waxay cadaynaysaa in mukhaaadaraadkan uu kaalin wayn ka qaato fiditaanka cudurkan gudaha Soomaaliya, Dadkan ayaa waxay iskugu jireen Dadka gado qaadka iyo cunayaasha Khaadka, maxaad umalaynaysaa hadii iibiyaasha Khaadka ay qabaan cudurkan soo si sahlan uguma gudbin karaan dadka kale ee cunna qaadka.

 5.      CIIDAMADA SHISHEEYE EE WADANKA KU SUGAN

Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Dalka Soomaaliya ee ka kala yimid Wadamada kala ah “Itoobiya, Uganda,Burundi, iyo Jabuuti”  ayaa waxaa la ogsoonyahay inay kaalin ka qaataan kororka ku yimid Virus kan  gudaha Soomaaliya, Ciidamadan ka howlgala Soomaaliya ayaa marka loo soo dirayo ama la keenayo Dalka Soomaaliya inta badan laga soo baarin HIV/AIDS, sida: Ciidamada ka socdo dalka Itoobiya iyo qaar kaloo badan.

Ciidamadan ayaa Soomaaliya loo geeyaa inay ka fuliyaan howlad Nabad Ilaalineed  oo qaato Sanooyin, inta badan waxaa dalka la keenaa ayagoo Xaasaskooda lasocan, markay muddo joogaan oo ay dadkii is fahmaan ayaa waxay isticmaalan Lacagahooda si ay usoo jiitaan Hablaha tabaalaysan ee Soomaaliyeed. Ama waxay  adeegsadaan Caado qaatayaal Soomaaliyeed si ay ugu keenaan Gabdho soomaaliyeed, oo ay ku Shahwo gutaan, sidaana waxay ku fidiyaan Cudurkan Dillaaga ah.

waxbixin aan ka helay activist Ugandan ah oo diiday in magaciisa lacayimo ayaa ii sheegay in kolka Ciidamada Uganda  ka socda loosoo dirayo gudaha Soomaaliya marka ugu horrayso lagabaaro Viruska HIV dabadeed lakala sooco, kuwa cudurkan laga helo iyo kuwaan laga helin, intaa kadib kuwa cudurka laga helay la sii kala qaybiyo oo kuwa CD4 koodaa hooseeyo lareebo, kuwa CD4 koodu sareeyana ciidamada kale lagu daro loosoo dirana Dalka Soomaaliya,

Ujeedkooduna ay tahay inay difaacan Dadka iyo dowladda soomaaliyeed lakiin intay howshooda ku dhexjiraan ay cudurkooda qaadsiiyaan dad badan oo soomaaliyeed. Taana waxay ka dhigan tahay Soomaaliyeey Labo daran mid dooro.

Gunnaanad

Guntii iyo Gabagabadii waxaan dhihi karaa arintan waa arin lala fajaco oo uu la amakaago qofkaan horay ula socon xaalada Cudurkan Dalka Soomaaliyeed, sida uu Qoolkii Eebe (s.w)   ina xasuusinayo Umadi ma halaago ilaah, ilaa ay Gacmahooda ku keensadaan. Cudurkan dunidan kuma iman by chance laakiin waa wax ay keensadeen  dadka dunida ku nool qaarkood, wuxuuna asiibay Malaayiin aanan lugohoodu ku raadsan iyo malaayiin  qaaday ayagoo sameeeyay Sino iyo wax lamid ah.

Gunnaanadkii si aynu u ciribtirno ama u yarayno Viruskan waxaa loo  baahan yahay dhammaan umadda soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan oo dadka la baro cusudkan khatartiisa iyo qaababka lagu kala qaado, si ay uga foojignaadaan.

Inta badan wadamada Caalamka waxay leeyihiin NGO owyo farabadan oo ka shaqeeya dalka gudihiisa  ujeedkooda ugu wayna uu yahay inay dadka baraan, wacyi geliyana khatarka cudurka dillaaga ah ee HIV/AIDS. Si lamid ah waxaan ubaahan nahay dad isxilqaamay.  waxaan leeyahay waa arin haddii soomaalidoo dhan haddii ay fahmaan oo u maro xeetaan inay wax ka qabtaan xawaaraha uu ku fidayo cudurkan ay wax badan ka qaban karaan.idinka eebe.

Tixraac

  1. Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS Available online at: http://somalitalk.com/2010/jun/aids.html Accessed August 04, 2012.
  2. 2) United Nations General Assembly Special Session on HIV/AIDS: COUNTRY PROGRESS REPORT 2010 available online at: http://data.unaids.org/pub/Report/2010/somalia_2010_country_progress_report_en.pdf Accessed August 05,2012
  3. Kenyan Prostitutes Pushed Out Of Business By Ethiopians, Eritreans and Somalis available online at:

http://ladyenews.wordpress.com/2011/11/11/kenyan-prostitutes-pushed-out-of-business-by-ethiopians-eritreans-and-somalis/ accessed august 02, 2012.

4. Somali prostitutes of Yemen available online at:http://in.reuters.com/article/slideshow/idINRTR2A1T9Assessed august 01,2012

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah