TIRADA SOOMALIDA QABTA CUDURKA HIV/AIDS OO SII KORDHAYSA, SABABAHA KEENAY?

by admin | Saturday, Aug 11, 2012

Sannadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warbixino looga hadlayay Cudurka dillaaga ah ee HIV/AIDS iyo khatarta uu ku hayo Bulshada Soomaaliyeed ee Dagaalada sokeeye ay harreeyeen 21 dii sano ee lasoo dhaafay.

Qoraalkan kooban, oo idanka Eebe, iba-fur u noqon doona qoraallo dhowr ah oo aan ku qaadaa dhigi doonno khatarta uu Cudurkan ku hayo Bulshada Soomaaliyeed, qiyaasta Soomaalida qabto Cudurkan, sababaha kor uqaadayo cudukan  maadaama soomaalidu ay yihiiin dad muslimiin ah, iyo Gabagabadii sababaha lagu yarayn karo faafida Cudurkan Dillaaga ah ee HIV/AIDS.

HIV/AIDS (human immunodeficiency virus, acquired immunodeficiency syndrome) waa Cudur run ahaantii faro ba’an ku hayo bulsho waynta ku nool aduunkan aynu guudkiisu ku noolnahay, tan iyo goortii la aqoonsaday 1981dii wuxuu galaaftay inkabadan 36 milyan oo ruux naftooda, waxaa si dhab ah loo xaqiijin viruskan asal meeshii uu ka yimid oo lagu muransan yahay, laakiin waxaa Dhakhaatiirta ugu badani isku raaceen inuu Cudurkan markiisii ugu horaysay laga helay Galbeedka Bartamaha Africa bilowgii qarnigii 20aad.

Somaaliya cudurkan waxa uu soo gaaray 1990kii xiligii burburkii Dowladii Kacaanka, waqtigaa oo ay Soomaliya Daggaalo sokeeye ay sii galaysay, cudurkan wixii markaa ka dambeyay wuxuu kusii fidayay guddaha Bulsho waynta Soomaaliyeed.

2009 warbixin argagax wayn xambaarsanayd oo ay si wada jir ah usoo saareen Hay’adaha USAID iyo WHO ayaa lagu soo bandhigay Soomaalida la qiyaasayo inay cudurkan  lanool yihiin iyo magaalooyinka u cudurkan ku badanyahay, warbixintaa oo ay ka horeeyeen warbixino kale oo la soo saarey 2004tii, iyo 2007dii, ayaa midan waxay uga duwanayd ayadoo xaddiga Soomaalida qabtaa  ay aad ukorodhay.

Warbixintan ayaa waxay cadeysay in 35,175 Ruux oo Soomaali ah lanool yihiin cudurka HIV/AIDS gudaha Soomaaliya,cadadkan ayaa waxaa la xaqiijiyay in boqolkiiba 52.6% ay yihiin Dumar, halka boqolkiiba 47.6% ay yihiin Rag.

Waxaa intii u dhaxaysay 2006dii–2009kii gudaha Soomaaliya lagu baaray 13,022 qof, tiradaa la baaray waxaa  cudurka laga helay 2,341 Ruux, taas oo ka dhigan boqolkiiba 9.6% dadkii la baaray ay  qabeen cudurka HIV/AIDS.

Sida warbixintaa ku qornayd  waxaa la qiyaasay in caddadka Somaalida qabto cudurkan 2012ka uu gaari doono in ka badan 55,000 oo ruux. Waxaa hubaal ah in Aqoonyaho ama Culimo  badan oo Soomaaliyeed aysan si xaqiiq ah uga warhayn dhibaatada uu Cudurkan uu ku hayo Bulshada Soomaaliyeed ee ceelna uqodnayn cidna umaqnayn.

Haddii aan dhinac hoose ka fiirino Somaalida ku nool gudaha Soomaaliya ayaa sanadkii 2007dii waxaa lagu qiyaasay inay gaarayaan 8.1Milyan, wixii ka dambeeyay sanadkaa waxaa dagaaladdii Koonfurta ka qarxay ay dalka ka barakiciyeen Kumanaan Qoys.

Haddii 8.1milyan  oo dalka ku nool ay 55,000 oo kamid ahi ay qabaan cudurkan, maxaad u maalaynaysaa cadadka Labada Milyan ee Dalka Dibadiisa ku maqan?

 

Su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay maxaa keenay in Soomaalida uu Sanadba Sanadka ka dambaysa  uu Cudurkan ku sii kordho ayadoo aan ognahay in ay yihiin dad Muslimiin ah?

Haddii uu Alle idmo waxaan su’aashan iyo sida lagu yarayn karo faafida cudurkan gudaha Soomaaliya ku qaadaadhigi doonaa qormadeena xigto

Qore: Hodan Abdi

Hodan669@gmail.com

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!