Tiro dad ah loo soo xir xiray dilkii ganacsade Xaaji Quuroow magaalada Beledweyne

by admin | Wednesday, Feb 18, 2015

Beledweyne : HN :– Kaddib howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen ciidammada maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Hiiraan xaafadda Howl-wadaag oo maalintii shalay lagu dillay gansacsade  Xaaji Quuroow, ayeey ciidammada ku soo xir xireen tiro dad ah oo la tusun yahay.

Afhayeenka Maamulka degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan Xasan Kaafi Maxamed Ibraahim ayaa warbaahinta u sheegay dhowr qof usoo qabteen dilka Marxuum ganacsade Xaaji Cumar Max;ed Nuur (Xaaji Quurow).
…”Wax ay nabada u dhimeyso malahan Insha allaah cadaaladana wey hor imaan doonaan dhagar qabayaashii ka danbeeyey falkaas foosha xun”’ayuu yiri afhayeenka maamulka degmada Beledweyne.
Xasan Kaafi Maxamed Ibraahim ayaa xusay in dhammaan dadkaas ku jiraan gacanta laamaha ammaanka degmada gaar ahaanaBeledWeyne xabsiga dhexe,waxaana ku socda baaritaan sida ugu dhakhsiyaha badan Cadaalada la keenayo.
”’Dad badan oo falkaas lugu ku yeeshay oo lasoo qabtay wey jiraan ,baaritaan baana ku socda, magaalada waxaa gacanta ku haya dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadooda kala gedisan”’ayuu yir Xasan Kaafi.
Sidoo kale hadalkiisa ayuu ku daray in ammaan la isku haleyn karo uu ka jiro  deegaanada ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya,kuwa  AMISOM iyo maamulka degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Afhayeenka Maamulka degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay ballanqaadayaan sugiga ammaanka degmada isla markaana shacabka ku dhaqan ka dalbanayaan la shaqeyn maamulka iyo Ciidamada.
Si kastaba arrintan qabqabashada ayaa ah mid kusoo beegmeysa xili shalay Xaafada Howl-wadaag lagu toogtay ganacsade  Xaaji Quurow oo kamid ahaa raga sida weyn looga yaqaanay gobolka .
Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!