Tiro ka badan 30 askari oo Burundi ah oo lagu dillay weerarkii Leego

by admin | Friday, Jun 26, 2015

Sh/hoose : HN :– Warar dheeraad ah oo wali ka soo baxay weerar saf ballaaran ah oo Al-shabaab ay ku qaadeen subaxnimadii hore ee saakay fariisin militari oo ay lahaayeen ciidammada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi, ayaa sheegaya in weerarkaas loogu dillay ciidammada AMISOM tiro ka badan 30 askari.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in xoogagga Al-shabaab u suurtagashay in ay gudaha u gallaan, xerrada, kaddibna la wareegaan hub, saanad ciidan iyo gadiid dagaal intaba, iyadoo intaa kaddibna ay xarunta u fasaxeen dadka deegaannkAMISOM_Force_Somaliaa ay u bililiqeystaan.

Ciidammadii xerada ku sugnaa ee weerarka khasaaraha ballaaran dhaliyay lagu qaaday ayaa la sheegay in ay dib uga baxeen xerrada, halka in badan oo iyaga ka mid ahna la sheegay in ay ku lumeen deegaanka lana ogeyn halka ay ku danbeeyeen.

Afhayeenka Al-shabaab Cali Max’uud Raage ayaa sheegay in khasaaraha ay gaarsiiyeen ciidammada Burundi uusan waxba ka duwaneyn kii ku dhacay sidda uu hadalka u dhigay 2011 oo 70 askari looga dillay meel duleedka ka ah degmada Deyniile.

Saraakiil u hadashay ciidammada AMISOM oo magacooda qariyay ayaa warbaahinta si hoose ugu sheegay in geerida ka badan tahay qiyaastii 50 askari oo ka tirsan howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa oo ay waayadan fuliyaan Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!