Trump oo u muuqda shaqsi is dhiibay

by wadani | Monday, Nov 7, 2016

Washington : HN :-Donald Trump oo ah Musharraxa Doorashada Madaxweynaha ee Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka ayaa mar kale sheegay in Doorashada Madaxnimada ee Mareykanka loogu Xag-linayo Musharraxadda Dimuqraadiga Mareykanka ee Hillary Clinton oo uu tartan adag kala dhexeeyo.

Trump, ayaa hadalkiisan kusoo beegay kaddib markii Waaxda Dambi-barista ee Mareykanka FBI-da, ay sheeghtay inaysan hayn wax caddeyn ah oo muujinaya in Hillary Clinton ay gaysatay Dambi marka la eego farriimo E-mail oo ay ka dirtay Cinwaankeeda gaarka ah.

Sidoo kale, Donald Trump ayaa ka sheegay fagaare Michigan ku yaala in Hay’adda FBI-du aysan ku baari karin Farriimmo gaaraya; 650,000 muddo Siddeed maalmood gudahood ah.

Dhanka kale, FBI-da Mareykanka ayaa hadalka ku aadan inaysan weli hayn caddeymo muujinaya in Hillary ay fariimmo khalad ah dirtay ku shaacisay muddo saddex maalmood ah, ka hor inta aan loo dareerin goobaha cod-bixinta Doorashada hordhaca ah ee Mareykanka, iyadoo arrintan ay fursad u noqotay Xisbiga Dimuquraadiga.

Maalinta Berri ah oo ku beegan Talaado, ayaa waddanka Mareykanka oo dhan waxaa ka dhacaya doorashada xilka Madaxweynaha cusub ee dalkaas, kaasoo ay ku tartamayaan Donald Trump iyo Hillary Clinton.

Ugu dambeyntii, Dadka u ololeynaya Doorashada Hillary Clinton, ayaa iyaguna sheegay in ay ku faraxsan yihiin in hadalka haatanna xal laga gaaray eedeymihii loosoo jeediyay Musharraxadooda.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!