Turkiga oo 14 askri mar kaliya looga dilay Syria

by wadani | Thursday, Dec 22, 2016

Syria : HN :- Dowladda Turkiga ayaa lagu waramayaa in ay ku weyday dagaalka Syria 14 askari oo noqonaya tiradii ugu badneyd askar mar kaliya looga dilo dagaalka.

Dagaalka oo dhacay shalay oo Arbaco aheyd ayaa ciidamada Turkiga waxay taageerayeen dagaalyahannada hubeysan ee ka soo horjeeda Daacish.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa kii ugu xooganaa ee ay galeen Ciidamada Turkiga, iyadoo Kooxda Daacish ay adeegsaneysay weerar is qarxin ah iyo hub culus.

Milateriga Turkiga ayaa sheegay in 33 askari ay dagaalkan uga dhaawacantay, waana tiradii ugu badneyd ee askar Turki ah oo hal maalin looga dilo dagaal ay la galaan Daacish.

Turkiga ayaa ciidamo u dirtay bishii Agosto ee sanadkan dalka Suuriya, kuwaasoo taageeraya kooxaha kurdiyiinta iyo xooggaga kale ee dagaalka kula jira Daacish.

Ugu danbeynrii, magaalada Al-Bab ayaa ah magaalada labaad ee ay ku xooggan yihiin Kooxda Daacish, waxay 20KM u jirta xuduuda Turkiga uu la wadaago Suuriya.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!