Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo dib ugu laabtay magaalada Beledweyne

by admin | Tuesday, Sep 29, 2015

Ugaas-Cabdi-Raxmaan-8Beledweyne : HN :–Ugaas C/raxman Ugaas khaliif Ugaas Rooble ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isaga oo siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha.

Ugaas waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Beledweyne siyaasiyiin, waxgarad, odayaal, dhaqameed, dhalinyarro, iyo dad kala socday qeybaha bulshada, kuwaa oo ku faraxsanaa dib u soo laabashad Ugaas oo mudo dheer ugu maqnaa xaalado caafimaad.

Ugaas-Cabdi-Raxmaan-11”’Waxaan ku faraxsannahay  in aan  si nabad ah dib ugu soo laabto magaalada oo aan howla caafimaad ugu maqnaa dalka dibadiisa aniga oo ku hadllay  magaceyga iyo kan duubabka dhaqanka Soomaaliyeed, waxaa fariin nabadeed u dirrayaa meel kasta oo ay ka jirto colaad Soomaali u dhaxeysa ayuu yiri” Ugaas C/raxmaan.

Ugaas cabdi raxmaan ugaas qaliif aya mudoyinkii ugu dambeyay waxaa waxaa uu howlo caafimaad ugu maqnaa dalka dibadiisa isaga oo si nabad ah dib ugu soo laabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ugaas-Cabdi-Raxmaan-14Ugaas-Cabdi-Raxmaan-15Ugaas-Cabdi-Raxmaan-12Ugaas-Cabdi-Raxmaan-13Ugaas-Cabdi-Raxmaan-21Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!